Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 491 views

Cudurka shuban biyoodka oo faro ba’an ku haya degaano ka tirsan Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya degaano ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa laga soo sheegayaa in dadka ku dhaqan halkaasi uu faro ba’an ku hayo cudurka shuban biyoodka, iyadoo isbitaalka magaalada Baxdo lagu daabulayo dad u badan caruur.

Madax ka tirsan maamulka Galmudug oo ay hoggaamineyso Wasiirada caafimaadka Naciimo Maxamed Maxamuud ayaa maanta deeq dawo ah geeyay isbitaalka Baxdo, iyadoona ku baaqday in lala soo gurmad caafimaad oo degdeg ah.

“Ummadda reer Galmudug iyo Soomaali oo dhan waxaan ugu baaqayaa in dadka ku dhaqan Mudug iyo Galgaduud loo soo gurmado” ayay tiri Wasiirad Naciimo Maxamed Maxamuud oo sheegtay in dadka ku dhaqan labadaasi ay ku habsadeen abaaro iyo xoolahoodii oo ka baaba’ay.

Dhinaca kale Agaasimaha Isbitaalka Baxdo Dr. Khaliif Muuse Maxamuud ayaa isna sheegay inay la tacaalayaan ilaa 100-ruux oo caruur u badan isla markaana uu soo ritay cudurka shuban biyoodka.

La soco warar kale

“Sida aad aan ognahay qofka haddii uu yaraado difaaca jirkiisa waxaa ku dhacaya cudurka shuban biyoodka” ayuu yiri Dr. Khaliif Muuse Maxamuud oo ka mahad celiyay deeqda dawada ah ee ay soo gaarsiisay Wasiirad Naciimo Maxamed.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=48843

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj