Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 557 views

DEGDEG: Nin hubeysan oo Paris ku afduubtay dad safar ahaa

Magaalada Paris ee caasimadda u ah dalka Faransiiska waxaa goor dhow lagu afduubtay dad safar ahaa, kaddib markii hubeysan uu soo galay xafiis laga maamulo socdaalka oo magaaladaasi ku yaala.

paris1

Ciidamada Booliska dowladda Faransiiska oo durba goobtaasi gaaray, hase yeeshee sida ay sheegayaan wakaaladaha wararka ninkaasi ayaa ku jira gudaha xaruntii uu dadka ku afduubtay.

Guud ahaan waxaa la xiray waddooyinka ku dhow dhow xaruntaasi, iyadoo la hakiyay isu socodka gaadiidka isla markaana dadka rayidka ah lagu amray inay joojiyaan dhaqdhaqaaqa.

Wixii warar ah ee ku soo kordha dib ayaan idinkugu soo gudbineynaa.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=48863

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj