Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 633 views

Rasaas laga maqlayo xerada Xalane oo isku bedeshay cir toogte

Labadii toddobaad ee la soo dhaafay waxaa xerada Xalane laga maqlayay rasaas teel teel ah, isla markaana aad moodo in halkaasi lagu tijaabinayo qoryo iib ah sida suuqa cir toogte oo kale.

Mid ka mid ah dadka degan agagaarka xerada Xalane ayaa ii sheegay in ciidamada Uganda ay halkaasi ku qaadanayaan carbis Milateri, iyagoona rasaasta ku ridaya dhinaca Badda.

Garoonka diyaaradaha caalamiga ah iyo xerada Xalane oo kaabiga isku haya ayaa la maqlayaa diyaarad soo dageysa iyo rasaas dhaceysa, wuxuuna sarkaal magaciisa qariyay oo ka howlgala gudaha garoonka diyaaradaha in arrintaan ay ka muujinayaan walaac xoogan.

Dhinaca kale xerada Xalane oo ay ku sugan yihiin saraakiil ajnabi ah ayaa waxaa ku yaala dhammaanba safaaradaha dalalka Caalamka, Xafiiska Q/Midoobay ee Soomaaliya iyo hay’adaha gargaarka qaarkood, ilaa iyo xarunta Midowga Afrika.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=48878

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj