Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 753 views

Diyaarad nooca duuuliyaha aan wadin ee Drones oo ku dhacday Deegaanka Owdheegle

Wararka ka imaanaya Degaanka Aw-dheegle ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in Xalay Diyaarad Nuuca Duuliye la’aanta ah ay ku soo dhacday deegaankaasi.

Diyaaradda Droneska ah ay Illaa Xalay dul heehaabeysay Degaanka Aw-dheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo la sheegay inay ku dhacday Degaan 4-KM u jira Aw-dheegle.

Al-Shabaab ayaa la sheegay inay ka taliyaan Degaanka Diyaaradu ay ku dhacday,welina kamey hadlin Diyaaradda iyo wadanka laga leeyahay intaba.

WARAR KALE: Howlgalada Diyaaradaha la hago

Dhanka kale waxay Arrintaan ay imaaneysaa Xilli dhowr jeer ay sidaan oo kale Gobolka Shabellaha Hoose ay ugu soo dhaceen Diyaarad Drones ah, waxayna taasi noqotay in si weyn loola yaabo in mar kasta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku soo dhacdo Gobolkaasi.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=48880

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj