Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 257 views

RA’YI: Guusha iyo Guuldarada Baarlamaanka

Guuldaradaada oo aad qirato waa geesinimo iyo isku kalsoonaan, Guuldarada oo aad ka dhuumato dafirto oo aad eedeeda cid kale saartaana waa fulaynio iyo Kalsooni xumo.

Qof kasta oo adduunka korkiisa tartamaa, laba arrimood ayuu mid sugayaa inuu noqdo kan guuleystey oo ku xiran dedaalkiisa iyo is diyaarintiisa, inuu noqdo kan laga guuleystay oo ay keentaa in laga dedaal iyo nasiib bato.

Muddo afar sano ah dadku waxay maqlayeen, arkayeen oo ay u soo joogeen, dhegxumo, Afxumo iyo dhaqamo badan oo aan qalbigoodu jeclaysan sida: “Mooshin, Buuq, Amardiido, Go’aan Beeleed la taageero iyo mid Qaran oo la diido,Qaab daro Maalin walba soo Taagan”.

Waxay xildhibaanada qaarkood u dhaqmayeen si anshaxa iyo asluubta masuuliyada iyo siyaasinimo khilaafsan. Waxay ogaayeen in aanay jirin cid la xisaabtami karta waqtigaa, laakiin waxay ka hilmaameen oo aan xisaabtaba ugu jirin , in ay mar’uun talada ku soo noqon doonto Shacabkii ay mataleen ee dirsaday shalay inay ku metelaan.

Xildhibaannada qaarkood waxay ku caanbaxeen, dalxiis, tumasho iyo baashaal, iyagoo aan xil iska saarin, deegaankii iyo dadkii soo doortey kana dhigay jaranjaro lagu gaaro jagada xildhibaanimo, sidoo kalena dantii guud ee dalka waxay ka dhigteen mid ay u adeegsadaan aqoonsiga xildhibaanimo iyo adeegsiga xasaanada la siiyey.

Xaalkoodku wuxuu noqday “ Meeshii Cir laga sugayaa ceeryaamo ka timid” waa duni iyo xaalkeed la mood noqonse waaye, Xildhibaankii la rabay inuu shacabka metelo, dalka 25ka sano burbursanaa, nidaam iyo sharcidejiye u noqdo, dadka iyo dowladda is baro oo isku xiro si ay u timaado kalsooni iyo dowlad laysku raacsan yahay.

Arrinkaasi ma dhicine nin weliba dhuuntiisa iyo dhanxanagiisa wax mara ayuu ka doorbiday, dadkii shalay isu heelanaa ee hilowga isu qabanayna waa la kala haatiyey. Waxay u qalab qaateen kala geeynta beelihii dagaallada sokeeye shalay ku kala tegey.

Waxay ilaaween in Beelaha ay magacooda ku joogaan kuna daaqayaan aysan ahayn kuwa ugu garaadka iyo aqoonta badan ee ay ka buuxaan, kumanyaal iyaga dhan walba ka mudan, aqoon, garaad, karti, waddaniyad iyo xirfadba, kuwaasoo leh heer kasta aqooneed.

Waxaa beel walba ku jira, dad aqoonyahano ah, Garaadbadan oo waayo arag ah, Aamin ah, Culumo intaba.

Doqon nasiibku u hiiliyey inay dad ugu saraysey is moodaaye, xildhibaannadii waa is bideeen, qaarkoodna waxaadba moodaa in kursi dhaxaltooyo oo looga dhintey uu yahay, waa kuwii ilaa Carta soo fadhiyey.

Hadda Bulshadii iyo beelihii Soomaaliyeed waa baraarugeen, waana tashadeen, waxayna doorbideen in nin walba miisaan la saaro, hadduu wanaag kasbadayna lagu karaameeyo, hadduu xumaan kasbadayna xilka laga wareejiyo.

Doorashada maanta way ka gedisan tahay kuwii shalay, waxaa laga codeynayaa lix Gobo loo kala duwan, Xildhibaan walba waxaa u codeynaya, ergo uu soo xulay Ugaaskiisa iyo nabaddoonadiisa, kuwaasoo ka kooban 51 ergey oo ka kala socda jufooyinka ku midaysan kursigaas. Waxaa qosol leh ninkii kalsooni ka waaya beeshiisa inuu eeda la korey cid kale oo intooda badan ay dhaliisha saareen Madaxweynaha iyo taageerayaashiisa, ogow beesha kursigeedii lagama qaadin ee qof kale ayaa yimid, ama kii joogay ayaa helay kalsoonida beeshiisa, mid walba oo laga guuleystay wuxuu ku andacoonayaa waxaan usoo bixi waayey waxaa I diidan Villa Somalia ama Madaxweyne Xasan sheekh.

Cid walbana way u jeedaa inaanu Xasan sheekh goobta tagin, gacantana kor u taagin, Sanduuqna warqad ku ridin si uu u codeeyo, siyaasi hebelna u rido, mid kalana u soo saaro, waxaa codka bixiyay 51 qof oo ku heyb ah siyaasiga . Taasina Waa Arin inay ku cibro qaataan uga baahan.

Ugu dambayn waxaynu sugeynaa, doorasho inay dhacdo, gudoon baarlamaan la doorto, ka dibna madaxweyne, ilaa ay ka dhammaato waxaan leeyahay, nin weliba guusha iyo guuldarada ha ogolaado, hana ku kalsoonaado nasiibkiisa “ Maalin weliba ciid maaha”.

Bulshadana waxaan leeyahay, nin weliba wuxuu geedkuu beertay mirihiisa hala siiyo, kii wanaagsanaa wanaag haloogu beddelo, kii xumaana bulshada hala weeciyo.

W/Q: Cabdullaahi Ibraahin (Daamey)
E-mail: galayr1977@hotmail.com

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=48881

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”