Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 262 views

Sheeko, sheeko Q. 17aad: Gaso, ganuun, Gasiin W/Q Prof. Cali Jimcaale Axmed

Sheeko, sheeko!
Sheeka Xariir!

Milay ay weli u muuqato rabti ay geberti iyo igaarki ku haasaabaayeen, ayuu odaygi meel aan aktiisa ka fogeyn ka arkay rag fadhiya oo ay ku heeraaranyihiin kuwa rogga ama taagan. Inta ow nibirsaday ayow indhaha la raacay waxa u ekaa dad meel ku tuursan ama shamuumsan ama xoonsan. Minow u soo dhowaaday, waaba rag kabdhood dheelaaya. Waxa ow ka yaabay hannaanwanaagga ciyaartooydu u fadhiday, qabka ay u tooxaayeen qaansooyinka, iyaga oo aad moodday in ishooda furani ka dulbaxeysay baalka dambe ee gamuun si haaneed ah ama qurxoon loogu qabtay labada far ee faadumo iyo mudursato oo uu kalkaalo suulka gacanta midig.  Qaansada waxaa lagu qabtaa gacanta bidix. Waxa gashay qiiro hor leh, oo ku dhalisay in ay ku soo maaxdo xusuus beri hore, sida dhar duqoobay, misisiqday.

(Weligaa ma ka fekertay sida ay isu qabankaraan xusuus waayuhu, sida dhaay la berxay oo kale, kala dhantaalay iyo dhar calalobay. Xusuus sida wax maanka ku qormay. Erayga Af-Ingiriisiga lagu yiraa “Text” ayaa isna saas oo kale kulmiya qoraalka iyo tolidda dharka iyo falkinta dermaha ama dhambalaha iyo dambiilaha. Ufiirso: qoristu waxay la midtahay ama ay bahwadaag yihiin soohidda xaskusha iyo tidcidda meyraxda, iyo falkinta caawga. Uma geleyno qaababka kala duwan ee wax loo sooho ama loo tidco ama loo falkiyo. Waa aqoon muggeedu weynyahay, faceeduna fogyahay. Haddaad doonto in aad wax ka ogaato la fadhiiso hooyo iyo abaay iyo abooto ama ayeeyo oo wax ka weydii, oo dabadeedna soo geli Youtube-ka, si ay u noqoto dhaxal maguurtaa. Waxa aad soo geliso waxay noqonaayaan wax la xuso oo jiilal dambe wax ka bartaan, adna kaa sheekeeyaan. Xus. Sab. Allabari. Abaay abaay. Kur. Kaba fiican, waxa aad sameeyso hadda waxay yeelan doonaan nolol adiga kaa madaxbannaan, oo kallifta in jiilal ama fac dambe soo hadalqaadaan oo xusaan sanadguuraha saantaad bilowday ama aad curisay. Faracca ama asalka erayga “text” ayaa ah eray ka soo jeeda Af-Laatiinka oo ah “texere,” macnihiisuna yahay “weave” ama “falki.” Nasiib badanaa, kii wax cusub ku soo kordhiya qummaati u-socodka nolosha dadkiisa.   Isweydii, Xaan ku kordhinkaraa? Ha isweydiin, Xaan ka helaa?

Xaal qaado dhegeestow. Waxaan galay wax aan laayiq u ahayn, kana baxsan usuusha iyo asluubta sheeko sheegista.  Khudbad ama muxaadarad ayaan kuu galay. Sheeka sheegistu waxay leedahay asluub iyo hannaan si cilmiyeeysan la iskugu dheelitiro waxa la sheego iyo qaabka loo sheego. Waxaan kugu harfacay akhbaar inta aan kuu soo gudbinlahaa aqoon. Tan kale, aan intaan ku daro: Hadalkaan kor ku xusan waa mid aniga iga yimid, oo qoraaga sheekada shaqo ku lahayn. Haa, waxba kama qabo in aan u qiro in uu yahay qoraa. Kol hore waatii ay xurgufi na dhextiil. Sida muuqata, waxaa saameeyay fartiimihi ama farriimihi aad u soo dirteen. Fartiin. Farriin. (Ma kuu sheegay horta—aan kula faqqee– in mar aan fogeyn isoo wacay nin aan mar “xigto” ahayn, haddase la kala irdhoobay. Ogow, marmar waxaad ka fiigtaa kaad hore u taakuleysay. Horaa loo yiri, Kaad kabo u gelisaaba kurtumo waa yeelan jiray. Aw Kurtunle ayaa ka yaabay dood isaga iyo herin huwan ah ku dhexmartay meel fagaaro ah. Waxaa madasha fadhiyay, sida uu hadalka u dhigay, dottooro, dabiibyo, buuniyo iyo baaxuurro. Waxaa la isku qabtay in la dhihikaro: fartiin ama farriin. Waxaan u sheegay in weliba si kale loo dhihikaro: farmiing. Waxaan u sheegay in caqligu iyo cilmigu iyo cindigu taliyaan oo laga gudbo baqti’cunka, iyo isrifka aan sarriibashada lahayn.) Si kastaba ha ahaatee, waxaa isbeddelay xiriirki qoraaggu ila lahaa. Waxaad mooddaa in ow meesha ka baxay hinaaski ama maseerki doqon-magarato ee dhankaxa iyo biriirkaba ku ridijiray marka magaceyga la soo qaado. Marmar waxaad arkeysay usugoo i afwaajiya oon sugin inta ow hadalku afkayga ka soo baxaayo, xataa minaan rabay in aan sheego wax isaga u dan ah. Idinkana kheyr badan Eebe ha idinka siiyo. Mar dambe ayaan wax ka soo qaadandoonnaa dhambaalladi aad u soo dirteen. Hawraarsan. Ku maqlay. Bal aan dib ugu noqdo odaygi reer Jabaq oon kaga soo tagnay usuga oo fiirsanaaya raggi kabdhoodka dheelaayay.)

Waxa uu soo xusuustay beri ay dhallinyaradi Saciid Maxaad Raage ku tartamijirtay kabdhoodka ama gamuuntuurka. Waxa uu soo xusuustay igaar aan la aqoon meel ow ku dambeeyay, asii inta badan xirnaajiray urun angaleel ama aleel laga tixay. Waxa mugdi uga jiray in xuurku jinta ama balbasha midig xirsi ugu xirnaa iyo inkale.   Waxuu ahaa wiil aan lagu gaarin nishaabka. Kuwo ka tigaad iyo nimaadroon ayaa ka quustay in ay la tartamaan.

“Arrooy xaa kugu dhacay ood la xajiimooheysaa?” waxaa weydiiyay aabihiis.

“Karoodqabihi urunka xirnaa ayaa markale doobki tuulada oo dhan meel cidlaa dhigay. Waxaan hubnaa in urunka iyo xirsiga ow xirnaa wax ku labnaayeen.”

“Maandhow, idinku ma isfiiriseen oo ma isweydiiseen waxa idinka hortaagaan in aad ka badisaan Aw Urunle. Iintaada ood garata waxay bar ka tahay guusha aad baadigoobeyso. Ruux raba in ow naftiisa ajaro guul ma gaaro. Fandhariddu waa fiyoobi.”

Sheeko, sheeko Q. 16aad: Gaso, ganuun, Gasiin W/Q Prof. Cali Jimcaale Axmed

La soco Q.18aad

cali_jimcaale_ahmed
W/Q. Prof.Cali Jimcaale Axmed

ali.ahmed@qc.cuny.edu

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=48913

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj