Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 899 views

Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cadcad ee xilka Madaxweynaha oo daaha ka rogay arrimo qarsoonaa (Dhageyso)

Waxaa sii kordhaya khilaafyada ka taagan hannaanka doorashooyinka dadban ee dalka ka socda, kuwaasi oo u dhaxeeya madaxda xilka ka dhammaaday, musharaxiinta Madaxweynaha, Waxgaradka beelaha iyo beesha caalamka oo ku jaha wareertay dacwooyinka iyo cabashada la xariirta musuqmaasuqa xadka dhaafay.

C/raxmaan Cabdi Shakuur oo ka mid ah musharaxiinta ugu cadcad xilka Madaxweynaha ayaa shalay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho waxa uu uga hadlay arrimaha doorashooyinka, isagoo ka dhawaajiyay arrimo dhowr ah kuna saabsan doorashooyinka ka furmay gobolka Banaadir.

Waxa uu sheegay in madaxda xilka ka dhamaaday ay doonayaan inay qabtaan doorasho khilaafsan dastuurka dalka, isagoo sheegay in haatan la raadinayo kooram si buu yiri loogu shubto, taasi oo uu sheegay inaysan Soomaaliya ka dhicin weligeed, loona baahan yahay 275-Xildhibaan inay doortaan Madaxweynaha cusub.

“Qabyo intii hore ha nooga ekaato” ayuu yiri musharax C/raxmaan C/Shakuur oo sheegay in la weeciyay doorasho beelaha Somaliland matalaya loona wareejiyay xerada Gaadiidka, isagoona ku eedeeyay ciidamada ammaanka inay yihiin kuwo ka amar qaata madaxtooyada.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=48929

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj