Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 541 views

Dowladda Jabuuti oo ciidamo magac cusub leh u soo direysa Soomaaliya

Dalka Jabuuti oo ka mid ah dowladaha ciidamada ka jooga dalka Soomaaliya ee ka mid ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday inay ciidamo dheeraad ah soo direyso kuwaasi oo wata magac cusub.

Ciidamadaan oo ah guuto cusub ayaa lagu magacaabaa Hiil4, kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya nabad ku soo celinta dalka Soomaaliya iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada ah, isla markaana ku biiraya howlgalka ciidamada AMISOM.

Taliyaha ciidamada Dowladda Jabuuti Jan. Zakariye Sheekh Ibraahim oo booqday ciidamada ku jira diyaar garowga howlgalkooda Soomaaliya ayaa waxa uu halkaasi ugu jeediyay khudbad uu kula dardaarmayo, si ay uga miradhaliyaan soo celinta Soomaaliya.

Dhinaca kale ma aha markii ugu horeysay oo dalalka Afrika u soo diraan ciidamo dheeraad ah, bedelaadda ciidamo horay u joogay, iyadoo ciidamada Jabuuti ee dhowaan Soomaaliya tegaya ay ku soo beegmeyso xilli ay ka socoto doorasho dadban oo muddo dhowr goor dib u dhacyo hareeyeen iyo khilaafyo, faragelinta madaxda wakhtigeedu dhammaaday oo hantida qaranka u adeegsanaya doorashooyinka.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=49072

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj