Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 1,080 views

Madaxweyne Xasan oo war culus ka soo saaray shirkado ka howlgala Muqdisho (Dhageyso)

Madaxweynaha Dowladda xilligeedu dhacay ee Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajiyay heshiis ay kala noqdeen qaar ka mid ah shirkadaha shisheeye ee ka howlgala Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in heshiisyada lala gelayo shirkadaha ajnabiga ah aanay ahayn aayado Qur’aan ah, hase yeeshee waxa uu tilmaamay in isbedel lagu sameyn karo amaba laga laaban karo.

“Heshiisyada lala gelayo shirkadaha shisheeye ma aha aayado Qur’aan ah, wax ka bedel ayaa lagu sameyn karaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay in shirkadda Albayrak ee Turkiga laga leeyahay ay iyadu dalbatay in dib u eegis lagu sameeyo heshiiska ay la gashay Dowladda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wareysi gaar ah siiyay telefishanka Jubaland ee xaruntiisu tahay magaalada Kismaayo ayaa waxaa kale oo uu sheegay in heshiis kasta oo aan dan u ahayn laga baxayo amaba dib loo saxayo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee xilligeedu dhammaaday ayaa mudadii afarta sano ahayd ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxay heshiisyo kala duwan la gashay shirkado ajnabi ah oo qeyb ka ah khilaafyada la degay xukuumadda Federaalka hay’adaheeda ugu sareeya.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=49171

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj