Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 593 views

Masaajidada iyo guud ahaan magaalada Muqdisho oo laga dareemayo Diyaargarowga Ixtifaalka Mowliidka Nabigeena CSW

Waxaa markii ay bilatay Bisha Mowliidka Masaajidada iyo xaafadaha Muqdisho ka bilowday u diyaargarowga Maalintaasi ku wayn oo ku beegan 12-ka Bisha Mowliid oo ah markii uu dhashay Nabigeena Muxamad CSW.

Masaajidada ayaa bilaabay ka shakaynta Taariikhda Nabigeena Muxamad, iyadoo la aqrinaayo Qasaaid lagu waynaynaayo Dhalashada Nabi Muxamad CSW, iyadoo Culimada Ahlu Suna ay dadka ku wargeliyeen inay sameeyaan Alle bari iyo inay waynayaan maalintaasi, iyadoo dadka amray inay ku ducaystaan in Muslimiinta uu Alle ka qaado dhibaatada.

Magaalada muqdisho ayaa maanta lagu arkay gawaari ay ku xiran yihiin Makaroofano, kuwaasi oo ay saaran yihiin Culimo dikrinaysa, dadkana u sheegaya inay ka qeybqaataan waynaynta Dhalashada Rasuulkeena Suubanaa CSW.

Waxaa jira dad yar oo aan garanayn ama ay Cadownimo ka tahay inay diidaan Mowliidka Nabiga, balse Culimada inteeda badan waxay rumaysan yihiin Mowliidka Nabiga, wayna banaan tahay in la weynayo maalintaasi,

Taariikh kooban:

Dad badan oo aan muslim aheyn oo taariikhaha dunida wax ka baadha waxey isku raaceen inuu Nabi Maxamed NNKH uu ahaa qofkii dunida uguu wanaagsanaa. Markey taariikhdu ahayd sanadkii 570kiiC.D ayaa Nebigu ku dhashay magaalada Makkah ee deegaanka Xijaas ee dhulka Carabiya. Nebi Muxamed wuxuu ka dhashay beesha reer Haashim ee ka tirsan qabiilka Quraysh. Waalidkii waxay dhinteen asaga oo aad u yar, waxaana soo koriyay awoowgii oo wakhti yar ka dib dhintey. Markaasi masuuliyada nebiga waxaa la wareegay adeerkiis Abu Daalib oo gurigiisa uu ku soo barbaaray Nabi Muxamed.

WD: Xuurshe

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=49214

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj