Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 500 views

Munaasabad lagu xusayay dhalashada nabigeenna Muxamad NNKH oo lagu qabtay Magaalada Tromsø ee Dalka Norway+Sawirro

Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay oo lagu xusayay dhalashada nabigeenna muxamad N.N.K.H ayaa caawa lagu qabtay masjidka Al.Raxma ee magaakada Tromsø ee Woqooyiga Norway.

Munaasabaddan oo ay soo qabanqaabiyeen culumaa,udiinka ku nool magaalada Tromsø ayaa waxaa si wayn uga soo qeyb galay dad aad u farabadan oo kamid ah muslimiinta ku nool magaalada iyo tuulooyinka ku dhow  waxaana munaasabadda lagu soo bandhigay muxaadarooyin diini ah oo u badnaa ka hadalka fadliga ay leedahay xurmeynta iyo weyneenta  bisha mowliid oo ah xilligii uu dhashay nabigeenna Muxamad SCW.

Culumaaudiinkii goobta ka hadlay oo ay kamid ahaayeen macalim maxamed Axmed, Sheekh Ismaaciil Macallim Axmed  iyo Macalim Saalax  Cusmaan ayaa  ku guubaabiyey ummada soomaaliyeed iyo dadkii kale ee kasoo qeybgalay in muhim ay tahay in lagu daydo sunnada nabigeenna suubban oo aad loo xuso maalinta uu dhashay taasoo muujinaysa jaceylka ay dadkiisa u qabaan rasuulka SCW.

Waxa sidoo kale ay culumada aqriyeen taariikhdii nabigeenna csws iyo doorka qofka muslimka ah looga baahanyahay fidinta diinta islaamka oo ah diin nabadeed, munaasabadda ayaa ugu dambeyntii kusoo gebogebowday jawi aad u wanaagsan.

Bisha mowliid sanad kasta waxaa dunida laga xusaa xilligii uu dhashay nabigeenna suubban Muxamad csw waxaana ay dadweynaha muslimiinta ah ay iyagoo faraxsan isugu soo baxaan masaajidada iyo goobo kale oo loo asteeyey in lagu xuso 12ka bisha mowliid.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=49328

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”