Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 449 views

Culimadu maxay ka dheheen Mowlidka barakeysan?

Munaasabada Mawlidka suubanaheena awgeed ayey ila noqotay in aan kuwa dooda ka furay ugu soo bandhigo 12 ka mid ah culimada laga diin qaato oo taqsus dheeri ah ku leh culuumta xadiiska iyo kala shaandheynteeda, waayo culimada aqwaashoodu waa sharaxaada diinta islaamka. fahamkooduna waa qeyb ka mid ah diinteena, haddii muran, iyo aqoon darri nala soo derstana fahamkooda iyo aqoontooda ayey tahay in loo noqdo oo wax laga weydiiyo.
Magacyadooduna waa ku waan:-

1- Al-xaafid Abul-Khaddaab ibnu-daxiyah ( 548-633 Hijriyada)
2- Al-xaafid Abii-Shaamah (599-665 Hijriyada)
3- Al-xaafid ibnu-Kathiir oo caan ku ah tafsiirka( 701-774 Hijriyada)
4- Al-xaafid ibnu-Rajab -Al-xanbali(736-795 Hijriyada)
5- Al-xaafid Al- Ciraaqi(725- 806 Hijriyada)
6- ibnul-jazari( 751-833 Hijriyada)
7- Al-xaafid Shamsi-diin bin Naasir- Al-dimishqi(777-842Hijriyada)
8- Al-xaafid ibnu Xajar Al-Casqalaani(773-852 Hijriyada)
9- Al-xaafid Al-Sakhaawi ( 831- 902 Hijriyada.
10- Alxaafid Alqasdalaani( 851-923 Hijriyada)
11- Al-xaafid-Al-Suyuudi ( 849-911 Hijriyada)
12- Al-xaafid Wajiihu-diin Al-diibiciyi( 866-944Hijriyada)

Inta la ogyahay waxa gaashaanka u daruuray Mowlidka in loo dabbaal dego xilligii uu billawday ilaa qarnigii 11aad ama billowga kii 12aad ee hijriga 2 ka mid ah culimada aqwaashooda la tixgeliyo waxa ayna kala ahaayeen :-

1- Al-imaam Alfaakihaani (654-734 Hijriyada), waxa uu ka mid ahaa culimada rumeysan in qabuurta saalixiinta lagu dul-duceysto, laguna tawassulo.

2- Al imaam Al-shaadibi ( 720-790Hijriyada) waxa uuna ka mid ahaa culimada caqiida ahaan Madhabka Ash-cariyada ka qalin daarta.

Allaahu-Aclam

F.G Xogtaan waxa aan ka helay Kitaabka barakeysan ee Sheikheyga Sheikh Cusmaan Sheikh Cumar (Xiddig ) ka qoray Mowlidka, Allaha nagu anfaco cilmigiisa, cimrigiisana Allaha noo barakeeyo Aamin.

Waxaa Diyaariyay:
Abdullaahi Khadar

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=49432

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj