Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 512 views

Guddiga doorashooyinka oo kansalay 11-Xildhibaan oo ku guuleystay kuraasta labada aqal (Daawo)

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka ayaa soo saaray liis ay ku qoran yihiin ilaa 11-xubnood, kuwaasi oo ku guuleystay tartanka kuraasta Baarlamaanka cusub ee ka dhacday gobolada dalka.

Xildhibaanadaan ayaa la faray in mar kale lagu tartamo, iyadoo aan la ogeyn go’aanka guddiga uu dib ugu celiyay 11-ka Xildhibaan, hase yeeshee warar hoose ayaa sheegaya in dib u celinta ay timid kaddib markii guddiga xalinta khilaafaadka uu ku eedeeyay inay ku lug yeesheen musuqmaasuq.

Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho oo laga bixinayo shahaadooyinka xildhibaanimada ayaa laga cabsi qabaa in sidaan oo kale dib loo kansalo xildhibaanimadooda, iyadoo iminka la hayo 250-mudane oo ay ku jiraan 11-ka mudane ee guddigu dib u celiyay.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=49563

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj