Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 1,309 views

Prof. Geedi: “Shaki kuma jiro in musuqmaasuq iyo handadaad ka jirto doorashada Soomaaliya” (Dhageyso)

Prof. Cali Maxamed Geedi oo ahaa Ra’iisal Wasaarihii hore ee Dowladdii KMG ahayd ayaa markii ugu horeysay ka hadlay hannaanka doorashooyinka dadban ee ka socda dalka, wuxuuna si cad u sheegay inay jiraan falal iyo tacadiyo ka dhacay dhammaanba goobihii ay ka socdeen doorashooyinka.

“Shaki kuma jiro in musuqmaasuq iyo handadaad ka jirto doorashada Soomaaliya, waliba dad salaad tukanaya in gadaashooda laga qaatay kuraastoodii, iyadoo haween kuraas ay lahaayeen sidoo kale la boobay” ayuu yiri Prof. Cali Maxamed Geedi oo sheegay in madaxda Dowladda xilligeedu dhammaaday ay ku takri falayaan hantidii qaranka.

Rug cadaagaan siyaasadeed ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay dhowr arrimood, isagoona sheegay in dalka lala damacsan yahay inuu ku sii jiro afartii sano ee la soo dhaafay sidii uu ahaa, isla markaana la maleegayo dib u dhacyo iyo inay ka dhacdo doorasho aan xalaal ahayn.

Waxa uu sheegay Prof. Geedi in beesha caalamka ay si dhow ula socoto musuqmaasuqa ka socda dalka, isla markaana ay wadaan madaxda ugu sareysa xukuumadda waqtigeeda dhammaaday, wuxuuna ka digay in haddii aan arrimahaasi la joojin xaaladu ka sii dareyso.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=49677

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj