Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 529 views

Prof Cali Maxamed Geedi oo isku soo Musharaxay madaxweynaha Dalka Somaaliya 2016ka.

Ra-iisul wasaarihii Hore ee Xukuumadii KMG aheeyd ee Soomaaliya Prof Cali maxamed Geedi ayaa haatan ku soo biiray Musharaxiinta u taagan in ay qabtaan Xilka Cusul ee Jagadda Madaxweynenimadda ee dalka Soomaaliya.

Prof. Geedi oo Maanta ku dhawaaqay Musharaxnimadiisa ayaa waxaa uu ka hor sheegay Munaasabad balaaran oo siweeyn loo soo Agaasimay kana dhacday Hoteel City Palace magaaladdaan muqdisho.

Munasabadaan oo ay ka qeeyb galeen Qeybaha kala duwan ee Bulshadda Soomaaliyeed sida Xildhibaanadda Dawlad Goboleeydka Puntand, Gal-Mudug,Hirshabeele,Kuunfur galbeeyd iyo Jubba lanad, sidoo kalana ay ka qeeyb galeen maxuuliyiin kakala socoday sida wasiiradda iyo Xildhibaanaddii Waqtigooda dhamaaday ee dawladda dhexe,Xildhinbaanadda Labadda Gole ee Baarlamaanka Cusub ee fedideraalka sooamaliya, Duubabka dhaqanka Soomaaliyeed, waxgaradka, Culumaa udiinka, Haweeynka, Saraakiisha Ciidamadda iyo Xubno kale sidaas oo kale waxaa munasabadaasi ka qeeyb galay Kooxa kala duwan sida fanaaniinta Shamsudiin Banad,Kooxdda Barbaarta Gaashaaman iyo shiribleyda afmaalka ah, iyagoo munasabadaasi ku soo bandhigay Heeso,Buraanburo, Shirib, guuroow iyo gabasho ka turjumaaya dhibaatooyinka shacbiga soomaliyeed haysta iyo sida looga gudbikarro kuwaasi oo au ku cabiraayeen shucuuntooda wadaninimo iyo waxa looga baahan yahay musharaxa madaxweynaha Dalka soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi iyagoo ku kubaabiyay in uu wax ka qabto danaha shaciga iyo dhibvaatooyinka ka jiara dalka.

Munasabadaasi intii ay socotay waxaa halkaasi ka hadlay Xubno iskugu jiray Xildhibaanadda cAqalka sare iyo aqalka Hoose, Xildhibanadda Dawlad goboleeydyadda dalka , Xildhibanaddda iyo wasiiradda waqtigooda dhamaaday, Siyaasiyiin,Nabadoono, Waxgarad iyo Hawynka, ,kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Ex Xildhibaan Xusen Caraale Nabadoon Cabdi Cusmaan Cusoble,Suldaan Cabdulaahi Cabdi Wehliye,Suldaan C/casiis cabdule Bayle,Drs Caasha Cumar Geesdiir,Aamina Cumar Cali,Xioldhibaan sacdiya C/laahi Maxamuud,Nabadoon Cumar Ibraahim Cusuboow,Xildhibaan C/Qaadir Cusoble Cali,Xildhibaan Axmed Xaashi Maxamuud,Jeneraal Xasan Maxamed Xuseen Mungaab.

Xubnahaan ayaa waxay dhamaantood siweeyn u soo dhaweeyeen Musharaxnimadda Maxadaweynaha jamhuuriyadda Fedreaalka soomaliya Prof Cali maxamed Geedi oo xiligaan ku dhgawaaqay Mushatrraxnimadiisa, waxayna isku waafaqeeyn in prof geedi uu yahay Nin u qalma Xilkaasi dadka iyo dalkana kasamaatabixinkarra duruufaha qalafsasn ee haatan dalka ka jira,sida Argagixisadda,kuwa boobnka ku haaya kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, iyo sidoo kale kuwa iskooxeystay ee iyana boobka cad ku haaya dhaqaalaha dalka iyado ay weliba daalka ka jirto Abaarbaahsan iyo macluul tii ugu xuimeeyds ee ay ku dhamaanayaan dad iyo duunyo, ,waxayna xuseen in ay garab iyo gaashaanba u yihiin Musharaxnimadiisa.

Xildhibaanadda Aqal;ka sare iyo Aqalka hoose ee Xukuumadda Cosob ee Dawladda fedreaalka soomaliya iyo kuwa haatan xiligoodii dhamaaday ayaa munasabadaasi waxaay erayo kulkuyl oo ay kuweeraraayaan madaxdda sare ee haatan waqtigoodii dhamaaday waxay ku eedeeyeen in ay boobeen hantidii ay iska lahaayeen umadda soomaliyeed iyagoo iskooxeysanaya waxayna xuseen in si deg deg ah loogu baahan yahay isbadel dhab ah oo gacan ku qabta hogaanka dalaka, waxayna Prof Cali Maxamed Gedi u7 jeediyeen in uu yahay nin u bisil jagadaasi loona baahan yahay in lagu taageero, hadiiba taageerto la siinaayaoi Nin musharax ah .

Xubnihii halkaasi sida gaarka ah uga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Musharax C/Qaadir Cusuble cali iyo Xildhibaan Axmed Xaashi maxamnuud oo sheegay in xilkigaan loo baahan yahay Ruux karti iyo Aqoon u leh Hogaanka dalka Prof Cali maxamed Geedina uu yahay in horay loo tijaabiyay waxqabadkiisa Xiligii uu ahaan R/Wasaarahjii Xukumaddii KMG aheeyd ee 2004tii iyagoo sheegay in 20 sanno ka dib iyadoo ay weliba jiraan dagaalo iyo siyaasaddo isdiidan ay u suura gashay in Xarunta Madaxtooyadda ee Villa soomaaliya ay cagaha soo dhigto dawladii ay xiligaas hogaaminaayeen Madaxweynana uu ka ahaa Col C/laahi Yuusuf axmed.

Gabagabaddii Munaasabadaasi waxaa ka Hadlay oo soo bandhigay Waxqabadkiisa siyaasadeed ee Dibadda iyo Gudaha Musharax madaxweyne Prof Cali Maxamed Geedi, isagoo ugu horeeyn Yiri Mudanayaal iyo marwooyin iyo marti sharaftaba wsaxaa manta sharaf weeyn ii ah in aan Hortiina soo istaago si rasmiu ahna aan u soo gudbiyo Musharaxcnimadeuydda Madaxweyne iyo ajandaheyga sayaasadeed oo aan muwaadhiniinta Jamhuuriyadda Federaalka soomaliya uga dalbanaayo in ay I siiyaan Fursadaan ku hogaanmioyodhisid dawlad Casri ah oo ku saleysan dhaqamadda wadaniga ah ee dalkeenna soomaliyeed, sidoo kale waxaa banrnaamijkeyga siyaasadeed qeeyb ka ah in aan ka shaqeyndoono arimaha ay ka miod yihiin Amniga Dib u heshiisiinta Xukun dimoqoraadi ah Xurmeynta xukunka sharciga ah Daryeelka aadnimo,U adeegidda Bulshadda,Soo kabasho dhaqaale oo deg deg ah,Dib u dhiska iyo Horumarintra Dalka Soomalaiya.

Sidoo kale Prof Geedi waxaa kaloo uu munaasabadaasi ka sheegay in haddii Fursad la siiyo musharaxniumadiisa uu ka shaqeytn doono uuna meel marindoono Aragtidda Siyaasadeed, anigoo buuyiri hawslgelinaaya lana shaqeynaaya Hay,adahja qaranka, Muwaadiniinta Soomalaiyeed,Bulshadda Rayidjka ah HJay,adaha samafaalka wadaniga ah,Lamaanayaasha horumarinta iyo beesha caalamka intaba., sidoo kale waxaa uu sheegasy in uu ka shaqeyndoono adegyadda caafimaadka, waxbarashadda, Biyaha, Nadaafadda, iyo sidoo kale dhismaha Nidaam ku wajahan korontadda iyo Gaadiidka. waxaana uu ugu dambeeyntii sheegay in uu hagaajindoono Xiriirkas dibadda iyo gudaha haddii uu ku guuleeydto Hogaanka Dalka Soomaaliya oo ah madaxweyneynaha jamhuuritadda federaalka ee 2017 ilaa 2020ka.

 

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=49725

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj