Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 238 views

Madaxweynaha Soomaaliya oo waraaqaha ka guddoomay Safiirka Yemen

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waraaqaaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee dalka Yemen u fadhin doono Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii uu waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee dalka Yemen u fadhin doona Soomaaliya, waxa ay iska wareysteen xiriirka labada dal, iyadoo safiirka uu madaxweynaha warbixin ka siiyey xaaladda dalka Yemen oo muddooyinkii dambe ay dagaallo ka socdeen iyo dadka reer Yemen ee u soo cararay gudaha dalka Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Mudane Axmed Cali Kadiye, ayaa sheegay in kulanka sidoo kale diiradda lagu saaray inta uu socdey sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Yemen ka dhaxeeya, Soomaaliyana ay diyaar u tahay in ay wax walba oo awooddeedaha ah ay la qabtaan walaalahooda reer Yemen.

Dhanka kale Safiirka cusub ee dalka Yemen Fadil Cali Al-Hinkh, ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu si wanaagsan u soo dhoweeyey, isla markaana ay toos uga hadleen sidii wadadidda wax wada qabsiga ka dhaxeeya dalalka Yemen iyo Soomaaliya, dowladda Yemen-na ay Soomaaliya uga mahadcelineyso taageerada walaalnimo iyo sida dadka Reer Yemen loogu soo dhoweeeyey Soomaaliya markii ay dalkaasi dagaallada ka dhaceen.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=49767

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”