Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 339 views

YEMEN: In ka badan 40-qof oo ku geeriyootay qarax is miidaamin

Qarax is miidaamin ayaa ka dhacay dalka Yemen, kaasi oo ay ku geeriyoodee ilaa 40-ruux oo u badan askar ku sugan goob ay mushaar ka qaadanayeen oo ku taala dalka Yemen.

Weerarka oo ka dhacay goob ku dhaw saldhig ciidan ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay askar kale oo fara badan, waxaana lala beegsaday askarta oo ku jirtay saf si ay u qaataan mushaarkooda .

Waa weerarkii ugu dambeeyey weeraro xiriir ah oo lagu beegsanayo ciidamada la qorayo dalka Yemen.

Todobaad ka hor, xooggaga la baxay dawladda Islaamka ayaa ayaa ku dilay 50 askari magaalada Cadan, halkaas oo ay ka taliso dowladda caalamku aqoonsan yahay ee dalka Yemen.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=49779

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj