Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 260 views

Maalinta asaaska ciidamada Booliska oo Muqdisho laga xusay + Sawirro

Munaasabad ballaaran oo lagu xusayay sanadguurada ka soo wareegatay asaaska ciidamada Booliska Soomaaliya kuna beegan 20-ka Disembar ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan akadeemiyada ciidamada, waxaana ka soo qeyb gaay madax ka tirsan Dowladda Federaalka, saraakiil iyo diblomaasiyiinta beesha caalamka.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa 73 guurada aas-aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay dhamaan Ciidanka Boliiska.

Mudane Carteh ayaa ka hadlay muhiimadda ay ciidanka Booliska u leeyihiin Qaranka islamarkaana ku amaanay sida geesinimada leh ay u gudanayaan waajibaadkooda.

“Waxa aan hambalyo u dirayaa Sarreeyayaasha, Saraakiisha, Saraakiil Xigeenada, Alifleyda, Dableyda, Xaasaskooda iyo Carruurta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ay maanta ku beegantahay 73 guurada ka soo wareegatay aas-aaska Ciidanka Boliiska; ammaan iyo bogaadin ayaan u dirayaa dhamaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed”.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa shaacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidanka Booliiska.

“Ciidanka Booliska waa hooyada ciidamada qalabka sida ee dalkeenna sidoo kale waa saaxiibka bulshada, sidaa awgeed, dadka Soomaaliyeed waxa aan ugu baaqayaa in ay gacan ka siiyaan shaqada ay hayaan Ciidanka Booliska oo ah ilaalinta nafta iyo maalka shacbiga”.

Ugu dambeyn, Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa u rajeeyay ciidanka Booliska in sannadkan sannadkiisa ku gaadhaan guul, iyo horumar.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=49894

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”