Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 261 views

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dhambaal ka guddoomay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Jordan + Sawirro

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, ayaa dhambaal ka guddoomay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Jordan, kaas oo uu ka siday boqorka dalka Jordan.

Dhambaalkaan waxaa laga siday boqorka dalka Joran Cabdalla A-thani Ibnu Xuseen, waxaana uu soo wakiishay Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka Maalgashiga dalkaasi Dr Jawaad Al-anaani oo yimid magaalada Muqdisho, Villa Somalia, ayaa lagu soo dhoweeyey Wefdiga uu hoggaaminayey.

Madaxweynaha J. Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaalkaasi ka guddoomay Dr Jawaad Al-anaani, waxa uu uga warbixiyey sida boqortooyada Jordan ay u daneyneyso xoojinta iyo iskaashiga Soomaaliya ay la leedahay, sidoo kale waxa uu ammaanay doorashooyinka Soomaaliya ka socda oo uu ku tilmaamay ham cusub oo loogu gudbi karo nidaam Dimuqoraadiyaddeed oo buuxa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa uga mahadceliyey boqorka dalka Jordan dhambaalka uu u soo diray, waxa uu sheegay in labada dal ay yihiin walaalo taariikh ay ka dhaxeyso, sidoo kale waxa uu xusay madaxweynuhu in la joogo waqtigii uu bilaaban lahaa dedaalka Jordan ay uga qeyb-qaadaneyso horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca maashaariicda wax soo-saarka iyo adeegyada kale.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa salaan u diray boqorka Jordan, isla markaana ballan qaadey in dib loo hagaagin doono xiriirka tooska ah ee ka dhaxeeya labada dal, sida ugu dhaqsiyaha badan.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=49969

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”