Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 417 views

Barashada bulshada ugu caansan oo lagu eedeeyay inay qeyb ka yihiin taageerada kooxaha…(Daawo)

Qaar ka mid ah baraha xriirka bulshada ee Internet-ka ayaa lagu eedeeyay inay qeyb ka yihiin qalalaasaha kooxaha argagixisada ah caalamiga ah ka geystaan dalalka caalamka, iyagoo ku soo gala magacyo kala duwan ayaa waxay kaloo u adeegsadaan sidii ay ugu faafin lahaayeen afkaarahooda xagjirnimo.

Warbixin laga sii daayay telefishanka caalamiga ah ee CNN ayaa lagu sheegay in baraha xiriirka bulshada sida Twitter-ka Facebook iyo Google taageero maadi ah ka helaan kooxda Daacish ee la baxday khilaafada Islaamka.

Arrimaha ugu waaweyn ee ay ka faa’iideen kooxda IS isticmaalahaan barahaan waxaa ka mid ah inay u adeegsadaan isku xirka weerar qorsheysan oo ay ka fuliyeen goob lagu caweeyo oo ku taala Orlando halkaasi oo ay ku geeriyoodeen 49-ruux.

Sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka Dowladda Mareykanka ayaa sheegay in eedeysanayaasha Shirkadaha xiriirka bulshada sida Twitter, Facebook iyo Google Youtube dhowrkii sano ee la soo dhaafay qaraxyo iyo weeraro ay maleegeen aanay suurtagelin.

Afhayeen u hadlay shirkadda Twitter oo lagu magacaabo Nu Wexler ayaa sheegay in shirkadda TWTR Tech30 ay diiday codsi ay u gudbiyeen oo uu sheegay inaysan ka hein wax jawaab ah si loola dagaalamo faafitaanka kooxaha xagjirnimada ee adeegsada Internet-ka.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=49979

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj