Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 1,841 views

Aqoonyahan runta ka sheegay halka ay Soomaalida asal ahaan ka soo jeedo Carab & Afrikaan + Video

Mid ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa runta ka sheegay asal ahaan halka ay Soomaalida ka soo jeedo, wuxuuna si layaab leh uga jawaabay su’aasha ah ‘Soomaalida ma Afrikaan baa mise waa Carab?’, takoorka Soomaalida dhexdeeda ay isku heyso iyo arrimo kale oo cajiib ah.

Allaha u naxariistee aqoonyahankaan oo dhowaan geeriyooday ayaa ka soo jeeda Somali Bantu ee loo yaqaano Jareerta, waxaana taariikh nololeedkiisa siyaabo kala duwan uga hadlay aqoonyahano Soomaaliyeed.

Weriyeyaasha ka howlgala TV-ga Hanoolaato ayaa waxay soo ururiyeen macluumaadka la xariira marxuum Prof. Cumar Eenow oo jeedinaya khudbooyin dhowr ah isla markaana ku hadlaya luqadda af Soomaaliga iyo tan English-ka.

Hadallada qiirada leh ee uu jeediyay aqoonyahanka geeriyooday waxaa ka mid ahaa isagoo sida ay Soomaalida u takooreyso dadka ku taqasusay farsamad gacanta ee sameeya kabaha, boorsada iyo qalabka kale oo bulshada isticmaasho.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=50001

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj