Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 446 views

Hoggaamiyaha guud ee Ahlu Suna oo si diiran loogu soo dhoweeyay Guriceel (Daawo)

Magaalada Guriceel oo ka tirsan degmada Galgaduud waxaa si diiran loogu soo dhoweeyay markii ugu horeysay hoggaamiyaha guud ee Ahlu Sunaha gobolada dhexe Soomaaliya, halkaasi oo ay ku soo dhoweeyeen madaxda maamulka gobolada dhexe, ururrada bulshada iyo saraakiisha ciidamada.

Guddoomiyaha guud ee Ahlu Sunna Macallim Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa salaan sharaf ka guddoomay ciidamada, waxaana hubnaha soo dhoweeyay ka mid ahaa Madaxweynaha maamulka Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo mas’uuliyiin kale.

Ammaanka garoonka diyaaradaha magaalada Guriceel ayaa si weyn loo adkeeyay, kaddib markii ciidamada Ahlu Sunna oo wata gaadiidka kala duwan ee dagaalka, noocyada qoryaha ku rakiban yihiin iyo kuwa xamuulka ay gaaf wareegayeen halka lagu soo dhoweynayay Guddoomiye Macallim Maxamuud.

Khudbad kooban oo uu halkaasi ka jeediyay ayuu uga hadlay hoggaamiyaha Ahlu Sunna hadafkooda, isagoona sheegay inaysan iyagu jirin cid ay ku tiirsan yihiin balse ay Alle kaliya aaminsan yihiin, wuxuuna uga mahad celiyay maamulka gobolada dhexe sida ay ugu dhabar adeygeen ammaanka iyo nabadda gobolada dhexe ka jirta.

“Umadda Soomaaliyeed waa idiin siman tahay, anagu ma lihin qabiil gaar ah, ma lihin qaraabo, anaga walaalkeen waxaa ah mu’miniinta ah” ayuu yiri Guddoomiyaha guud ee Ahlu Sunna oo ku ammaanay maamulka Ahlu Sunna kala dambeynta uu ku soo dabaalay gobolada dalka.

“Dalka Soomaaliya god buu ku dhacay xaqiiqda markaan idiin sheego” ayuu yiri mar kale Guddoomiyaha Ahlu Sunna oo sheegay in madaxda Soomaaliya ay qirsan yihiin isla markaana talo saarteen culimada Ahlu Sunna oo garbaha ka taagan shacabkooda.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=50015

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”