Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 853 views

Ilhan Cumar oo ka degtay magaalada Gaalkacyo + Sawirro

Magaalada Gaalkacyo waxaa maanta ka degtay Ilhan Cumar oo ah gabadha dhowaan ku guuleysatay Xildhibaanka xisbiga Dimoqoraadiga dalka Mareykanka, waxaana halkaasi ku soo dhoweeyay qeybo ka tirsan ururrada bulshada iyo xubno qoyskeeda ka tirsan.

Ilhan Cumar oo uu la socdo seygeeda Axmed Xirsi ayaa sheegtay in booqashada ay ku tagtay magaalada Gaalkacyo qeyb ka tahay socdaalka ay ku timid dalka gudihiisa iyo booqashooyinkeedii horay u sii qorsheysnaa.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Ilhan Cumar ay kulamo kala duwan la qaadato madaxda maamulka Puntland, iyagoo ka wadahadlaya arrimo kala duwan oo ay ka mid tahay sidii maamulka Puntland gobolada uu ka arrimiyo looga caawin lahaa mashaariicda kala duwan ee lagu horumarinayo.

Dhowaan ayay ahayd markii Ilhan Cumar ay ka degtay magaalada Muqdisho, isla markaana Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shekh Maxamuud la qaadatay kulamo kala duwan oo looga mahad celiyay guulihii ay ka soo hoysay doorashadii magaalada Mineapolis.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=50042

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj