Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 597 views

Beelaha Waqooyi ee Somaliland xubnihii uga haray aqalka Hoose oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay (Warbixin xasaasi ah)

Xarunta Gaadiidka Booliska ee magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay doorashada aqalka hoose xubnaha u matalaya beelaha Waqooyi ee Somaliland, kaddib markii ay ka soo baxeen ilaa afar Mudane oo ka guuleystay musharaxiintii ay la tartamayeen.

Saddexda xildhibaan ee beelaha Isaaq u matalaya aqalka hoose oo uu ka mid yahay Xuseen Carab Ciise horayna uga tirsanaa Baarlamaankii waqtigiisu dhammaaday ee Federaalka Soomaaliya kaasi oo helay 47-cod.

Biixi Iimaan Cige ayaa iyana heshay 47-cod, Maxamed Maxamuud uu isna helay 43-cod, waxaana sidoo kale C/risaaq daahir Maxamuud uu ku guuleystay 49-cod.

Doorashada oo ku dhacday qaab degan, ayaa guddiga heer federaal ee doorashooyinka waxay goobtaasi ka shaaciyeen sida ay ku dhacday doorashadii maanta, iyadoo xildhibaanada guuleystay ay ka mahad celiyeen guulihii ay ka gaareen tartankoodii.

Dhinaca kale doorashada aqalka sare beelaha Waqooyi ee Somaliland oo maanta la filayay inay bilaabato ayaa dib u dhac ku yimid, waxaana qoraal ka soo baxay guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal lagu sheegay inuu dib ka soo sheegayo xilliga la qabanayo.

Qoraalka guddiga ayaa lagu caddeeyay inuu isagu yahay kan go’aaminaya hubtinta hab-raaca hannaanka doorashooyinka guud ahaan dalka ka dhacaya, hase yeeshee qoraalkaan oo jawaab u ah go’aankii ay hoggaamiyeyaasha ay xildhibaanimo ugu aqoonsadeen 11-ka xubnood ee guddigu horay u laalay.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=50051

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”