Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 623 views

Kooxda Daacish oo Nolosha ku gubtay Labo askari oo u dhalatay dalka Turkiga + Sawirro

Kooxda Daacish ayaa baahisay Sawiro iyo Muuqaalo ku aadan iyaga oo nolosha ku gubaya labo nin ay sheegeen in ay katirsanaayeen Ciidamada Dowlada Turkiga, kuwaa oo lagu qabtay dagaal ka dhacay gudaha Siiriya.

Muuqaalka ay baahiyeen Kooxda Daacish ayaa waxaa ka muuqda labada askari oo silsilad ku xiran dabna gadaal looga soo shiday , waxaana ragaasi oo xiran darees ciidan ciqaabaya dagaalyahano katirsan Kooxda Daacish.

Dowlada Turkiga ayaan wali ka hadlin muuqaalkan ay soo bandhigtay Kooxda Daacish, walina lama huba jiritaanka labada nin ee Kooxda Daacish nolosha ku gubeen in ay katirsanaayeen ciidamada dowlada Turkiga.

Ciidamada Milatariga Turkiga ayaa gudaha u galay qeybo kamid ah dalka Siiriya, waxa ayna ciidamada dagaal adag kula jiraan dagaalyahanada Daacish ee ka dagaalamaya magaalooyin kuyaala meel u dhaw xadka Siiriya iyo Turkiga.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=50077

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj