Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 617 views

Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid oo taageeradii ugu ballaarneyd ka helay mudanayaasha Puntland iyo Jubaland + Sawirro

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas madaxweynaha maamulka puntland oo kusugan magaalada muqdisho ayaa xalay marti qaad usameeyay xildhibanaadii lagu soo doortay magaalada garowe ee xarunta maamulka puntland kuwaas oo ka kooban labada aqal oo kala ah aqalka hoose iyo aqalka sare ee ka yimid dhinaca puntland.

Xafladda oo isugu jirtay dardaaran iyo kala talasho qaadasho ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda soomaaliya iyo madax katirsan maamulka puntland.
Madaxweynaha waxaa kulanka ku wehelinaayey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, masuuliyiin ka mida goloyaasha Puntland, iyo sidoo kale masuuliyin ka mida Dawlada fadaraalka.

Ugu horayn Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa cashada kadib la dar-daarmay xildhibaanada aqalka sare iyo kuwa golaha shacab ka ee Puntland u metelaya baarlamaanka Dawladda Fadaraalka Soomaaliya, waxaana uu ku booriyey masuuliyada saaran iyo shaqooyinka baaxadaleh ee shacabkoodu ka sugayaan.

‘’waa xaqiiq waxa idin soo doortay shacabkinii waxaana ay idiin soo doorteen inaad ka shaqaysaan wax walba oo dan u ah horumarkooda, taana waxaad ku gaari kartaan idinkoo markasta xasuus naada masuuliyada iyo shaqada baaxada leh ee laydin ka sugayo, soomaaliya maanta waxay u baahan tahay wax sare uga qaada maanta halka ay joogto cida taa laga sugayaana waa idinka, Puntland feker kedii ahaa in maamul goboleed yada wax lagu soo doorto kumay khasaarin waayo maanta midhihii ka soo baxay waa idinka.

Waxan aamin sanahay inaad tihiin dad ka soo bixi kara masuliyada laydiin igmaday, waxaana idinkula dar-daarmayaa inaad markasta ka shaqaysaan masiirka ummadda Soomaliyeed, waxaana ilalahay idiin waydiinayna inuu idin ku asturo masuuliyada laydiin igmaday’’ ayuu yidhi Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Dhinaca kale Cumar Cabdi Rashiid cali Sharma’arke ayaa sanadkaan wada abaabul aad u xoogan isagoo garab weyn ka heesta dhinacyada puntland iyo jubbaland.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=50091

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”