Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 809 views

Tartanka Gabdhaha K/Koleyga oo si rasmi ah uga furmay magaalada Garowe ‘Farriin loo diray wadaadada diidan) (Daawo)

Magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland waxaa si rasmi ah uga furmay tartanka gabdhaha K/Koleyga markii ugu horeysay, iyadoo ay ka soo qeyb galeen kooxaha gabdhaha ee ka socda dowlad goboleedyada dalka.

Furitaanka tartanka waxaa ka qeyb galay madaxda Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolada dalka, Xildhibaan Soomaaliyeed oo ka tirsan Baarlamaanka Mareykanka Ilhaan Cumar iyo seygeeda , iyo waliba marti sharaf kale.

Sarkaal ka tirsan maamulka Puntland oo khudbad furitaan ah ka jeediyay tartankaasi ayaa farriin culus u diray hay’adda culimada Soomaaliyeed oo iyadu horay u sheegtay in tartankaan uu yahay lagu fasahaadinayo gabdhaha Muslimiinta ah.

“Waxaan maqlayay wadaad Xamar ka qeylinaya, waxaan u sheegayaa halkaan Puntland baa xukunta cidna marti ugama nihin, waana lagu qabanayaa tartanka gabdhaha K/Koleyga” ayuu yiri sarkaalkaan oo sheegay sarkaalkaas.

Dhinaca kale tartankaan oo ay maal gelisay hay’adda UNesco ayaa waxaa ka maqan kooxda gabdhaha K/Koleyga maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo la sheegay inay arrimo farsmo dartood ay taasi sababtay.

Kooxda gabdhaha Kubadda Koleyga Puntland ayaa ka guuleystay durba ciyaarihii ugu horeeyay oo ay isaga hor yimaadeen kooxaha ka qeyb gelaya, waxaana halkaasi khudbad ka jeedisay Ilhan Cumar oo sheegtay inay sharaf u tahay ka qeyb galkeeda ciyaaraha ka dhacaya magaalada Garowe.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=50098

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”