Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 412 views

Digniin laga soo saaray dabaal degga sanadka cusub iyo faragelin lagu hayo doorashooyinka

Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa markii ugu horeysay si kulul uga hadlay faragelin uu sheegay in lagu hayo xaalada dalka, gaar ahaan doorashooyinka dadban ee lagu soo dhisayo xukuumadda cusub.

Waxa uu sheegay in dhismaha dowladda cusub lagu soo dhisay gobolada dalka, isagoona walaac ka muujiyay saameynta hannaanka doorashooyinka ay ku yeelan karaan khilaafka ka taagan qaabka lagu soo doortay xildhibaanada labada aqal oo 11-ka mid ah uu laalay guddiga doorashooyinka.

“Tallaabada lagu faragelinayo arrimaha doorashooyinka waa dagaal aan la liidan ciida Kirismiska” ayuu yiri Sheekh Wajiis oo ku sugan magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in Soomaalidu tahay dad caqli leh isla markaana awood u leh inay ka gudbaan carqalad kasta oo ku saabsan arrimahooda.

Sheekh Cali Wajiis oo hadalkaan ka jeedinayay kulan ay Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ku yeelatay shalay magaalaada Muqdisho ayaa waxay uga hadleen dabaal degga sanadka cusub iyo ciida Kirismiska.

Bayaan ka soo baxay hay’adda culimada ayaa looga digay shacabka Soomaaliyeed inay ka qeyb galaan munaasabadaha sanadka cusub ee ay u dabaal degayaan Kirishtaanka, iyagoona ku tilmaamay qofkii ka qeyb gala inuu yahay Gaal la mid ah kuwa u dabaal degaya.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=50126

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj