Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 489 views

C/raxmaan Faroole oo taageeray digniintii Beesha Caalamka kana hadlay arrimo xasaasi ah + Video

Murashaxa Madaxweynaha Soomaaliya ahna Xildhibaan katirsan Aqalka Sare ee Barlamanka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Farole, ayaa taageeray digniintii dhawaan kasoo baxday beesha caalamka ee ku aadanayd doorashada Soomaaliya iyo musuq-maasuqa hareeyay sida lagu sheegay war-saxaafadeed soo baxay Asbuucan.

C/raxmaan Xaaji Maxamuud Faroole, oo warbaahinta kula hadlayay hoygiisa magaalo madaxda Garowe, ayaa tilmaamay in doorashada Soomaaliya ay ka jirto wax is-dabo marin iyo musuq-maasuq ay kuwada dhanyihiin dhammaan dhinacyada ay khusayso, wuxuuna digniinta beesha Caalamka ku sifeeyay mid lala soo daahayn balse timid waqti loo baahnaa.

Murashaxa, ayaa sidoo kale madaxda Madasha ku eedeeyay inay go’aan ka gaari la’yihiin geedi socodka doorashada Soomaaliya islamarkaana muddo dheer ku suganyihiin magaalada Muqdishu, xilli hogaamiyaashii waqtigu ka dhammaaday ee dalka gaarsiin waayay doorasho xor ah waqtiyadii loo asteeyay ay wadaan boobka hantida qaranka iyo gacan maris waddamo shisheey, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu xusay in musuqa ka jira doorashada Soomaaliya ay u dhanyihiin dhammaan guddiyada doorashada, madaxda maamul goboleedyada iyo hogaanka dalka ugu sarreeyay mid in ha ku lahaadee.

“Majirto cid ka madax bannaan cid kasta waa ku lug-leedahay, maamul kasta waa ku jiray midba in ha u le’ekaado oo ha ku kalasii darraadeen iyo xaruntuba, maxaa yeelay in badan oo maamullada dadka jooga kamid ahi waa taageerayaal, qaybtood waxay maamulayaal olole, amaba iyagaa murashaxiin ah, xafiiska ragga joogana hadde warkooda waad haysaanoo waa murashaxiin,”Sidaas waxaa yiri Xildhibaan/Murashax Faroole.

Mudane Cabdiraxmaan, ayaa sidoo kale xusay in dad badan is-sharaxeen iyagoo rajo ka qaban in qorshaha sidii loogu talo galay loo fulin doono oo ay wax soo dooran doonaan 51 Ergo ee loo asteeyay soo xulista xildhibaanada Barlamanka Soomaaliya gaar ahaan Aqalka hoose, balse taas badalkeeda arrintu noqotay musuq-maasuq la qaaliyeeyay iyo dad aan Ergay noqon karin oo lasoo xulay kuwaasoo ay wataan shakhsiyaad gooni ah.

Cabdiraxmaan Farole, ayaa sidoo kale madaxda Madasha ku dhaliilay inay noqdeen kuwo ku fashilmay wixii loo igmaday gaar ahaan wax ka qabashada xaaladda adag ee ka jirta Soomaaliya oo abaartu ugu horrayso halka meelaha qaybtood amnigu faraha kasii baxay, wuxuuna su’aal galiyay in muddo ku dhow 10 Casho Xamar la fadhiyo iyadoo aan wax natiijo ah la hayn.

Madaxda Puntland, ayuu si gaar ah ula hadlay isagoo xusay inay xaaladda gobolka Bari amnigiisu faraha ka baxay, halka gobolka Mudug-na la kala xiray isu socodkii dadka iyo ganacsiga taasoo taasoo ay ku lug leeyihiin mas’uuliyiin katirsan xukuumadda, islamarkaana waddanka ay ka jirto abaar xoog leh, sidaas awgeed looga baahanyahay inay kasoo baxaan shaqadii loo dhiibtay iyo wax u qabashada dadkii doortay, haddii aysan xal ku hayn magaalada Muqdisho.

Farole, ayaa walaac ka muujiyay xaaladda Somalia kusii socoto gaar ahaan hadii aan laga jawaabin digniinta beesha Caalamka, wuuxuuna ka digay in dalka Soomaaliya dib loogu celiyo dagaalladii sokeeye iyo fowdo siyaasadeed.

Dhinaca kale beesha Caalamka ayuu ugu baaqay in doorashada Somalia xaalkeeda geeyaan golaha ammaanka ee Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa oo lagu falanqeeyo sida laga yeelayo, inta ka horraysana laga yaabo in murashaxiintu isu tagaan oo ay qaadacaan doorashadan qorshaheedu socdo.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=50132

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj