Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 1,835 views

YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata….” + Video

Yaasiin Maaxi Macallim oo ka mid ah musharaxiinta xilka Madaxwenaha cusub ayaa markii ugu horeysay ka hadlay taariikhdiisa waxbarasho, howlihii kala duwanaa ee uu ka qabtay dalka gudihiisa iyo dibadiisa, marxalada dalka uu marayo xilligaan iyo arrimo kale oo fara badan.

Musharax Yaasiin Maaxi Macallim oo ku sugan magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ayaa wareysi uu siiyay Telefishanka STN waxa uu sheegay in Soomaaliya wixii ka dambeeyay xukunkii Milateriga AUN Maxamed Siyaad Barre madaxweynaha ka ahaa ay ku jirtay marxalado isbed bedel badan.

“Way fududahay inaan Sweden xil ka qabto, balse ma fududa inaan dalkeyga wax ka noqdo” ayuu yiri Musharax Yaasiin Maaxi oo arrintaasi sabab uga dhigay xukunka dalka iyo awood qeybsiga nidaamka 4.5, taasi oo had iyo goor loo aaneeyo inay burbur degdeg ah ku keento dowlad kasta oo Soomaaliya loo sameeyo.

Yaasiin Maaxi oo dhinaca kale ah Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada Soomaaliya ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano SSUP ayaa sheegay in xisbigiisu muddo dheer dadaal xoog leh geliyay sidii dalka Soomaaliya looga hirgelin lahaa xukuumad shacabka wada leeyahay oo soo celisa heybadii iyo qaranimadii dalku lahaa.

“Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka 2018-ka ee ah in laga gudbo nidaamka 4.5 ee qabiilka ku saleysan loona gudbo in nidaamka Xisbiyada” ayuu yiri Yaasiin Maaxi Macallim oo soo qaatay gabay uu horay uga tiriyay Soomaalida AUN Abwaan C/lle Taage Taraawiil.

Halkaan hoose ka daawo wareysiga oo dhameystiran:-

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=50154

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”