Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 1,142 views

Mid ka mid ah ganacsatada ugu magaca dheer Soomaaliya oo isku sharxay xilka Madaxweynaha

Waxaa sii kodharaya tirada musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha Xukuumadda cusub, iyadoo iminka gabagabo mareyso doorashooyinka dadban ee lagu soo dhisayo labada aqal ee ay ka kooban tahay.

Xildhibaan C/llaahi Cali Axmed (Caddow Cali Gees) oo ka mid ah ganacsatada ugu magaca dheer dalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho uga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha.

Ganacsadahaan oo dhowaan magaalada Cadaado ku guuleystay kursiga aqalka hoose xubnaha u matalaya maamulkaasi Baarlamaanka cusub ayaa sheegay inuu isagu doonayo sidii uu isbedel ugu sameyn lahaa xaaladda maanta dalku marayo.

Xildhibaan Caddow ayaa la sheegayaa inay isku dhaceen Madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay isku jufo hoose yihiin.

Musharax C/llaahi Cali Axmed ayaa munaasabadda ku dhawaaqista musharaxnimadiisa waxaa ka soo qeyb galay madax kala duwan, saraakiil, waxgarad iyo mashrti sharaf kale, kuwaasi oo iyagu dhammaantood rajo ka muujiyay in mas’uulkani uu yahay shaqsiga ka gudbin kara xaaladda dalka isla markaana gaarsiin kara doorasho qof iyo cod ah.

Mucaaradka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sii kordhaya maalinba maalinta ka dambeysa, iyadoo musharaxnimada Ganacsadahaan caanka ah ee Caddow Cali Gees ku soo beegmeyso xilli hoggaamiyeyaasha madasha Qaranka ay soo saareen go’aano ku saabsan doorashooyinka dalka.

Jabriil Max’ud Nuur (Jabra)
jabra@somaliweyn.com
Muqdisho – Soomaaliya

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=50186

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”