Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 845 views

Xildhibaan Ducaale: “Dadka Muqdisho waxaan ugu baaqayaa inay ka dhiidhiyaan xadgudubka lagula kacay” (Wareysi)

Mid ka mid ah xildhibaanada hormuudka u ah mudanayaasha labada aqal ee ku guuleystay doorashadii ka dhacday magaalada Jowhar xarunta gobolka Sh/dhxe ayaa afka furtay, wuxuuna si kulul uga hadlay halka ay mareyso marxaladda doorashooyinka dadban ee ku dhow gabagabada.

Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo ka mid ah xubnaha aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyay idaacadda Radio Dalsan waxa uu ka hadlay go’aanadii ka soo baxay hoggaamiyeyaasha madasha Qaranka oo ay ku kordhiyeen xubno dheeraad ah, isagoona sheegay in go’aankaasi uu yahay mid aan sharciga waafaqsaneyn.

“Dadka Muqdisho waxaan ugu baaqayaa inay ka dhiidhiyaan xadgudubka lagula kacayo masiirkooda” ayuu yiri Xildhibaanka oo ku booriyay mudanayaasha labada aqal ee degan magaalada Muqdisho inay isugu yimaadaan shir aan caadi ahayn oo uu sheegay in looga hadlayo arrimaha shacabka degan gobolka Banaadir.

Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow ayaa sidoo kale ugu baaqay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale inuu ka baxo ololaha uu ku jiro isla markaana uu ka qeyb qaato dadaalada looga hadlayo arrimaha gobolka Banaadir oo uu tilmaamay in hoggaamiyeyaasha madasha iska indha tirayaan.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=50223

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj