Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 235 views

Hubanti la’aan ka taagan xilliga ay dhaceyso Doorashada Madaxda

Waxaa muuqanaya in mar kale dib u dhac aan waqtiyeysneen uu ku imaanayo xilliga Doorashada Madaxda ee Dalka, kadib markii kulan Magaalada Muqdisho uga socday Madasha Wadatashiga Qaran war-murtiyeedkii ka soo baxay lagu sheegay in kuraas dheeraad ah lagu kordhiyay xubnaha Aqalka Sare, taas oo dhan 18 kursi, waxaana Maamul Goboleedyada loogu kordhiyay min 3 xubnood oo ka dhigeysa wadarta guud ee kuraasta Aqalka Sare 72 xubnood, halka markii hore ay ahaayeen 52 kursi.

Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran ayaa kulan Magaalada Muqdisho uga socday mudo sagaal maalmood ah, waxa ay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ka sugayeen go’aanada ka soo bixi karay Madasha Wadatashiga Qaran, kaas oo ku aadan waqtiyeynta Doorashada Madaxda Dalka, oo ilaa iyo hada aan meelna uga qorneyn war-murtiyeedkooda.

Waxyaabaha ay sidoo kale Madasha ay go’aan ka gaartay lagana sugayay waxaa ka mid ah 11 kursi oo horey natiijadooda ay u laaleen Guddiga Xalinta Khilaafaadka, balse kulankan kii ka horeeyay ay ku naqdiyeen go’aanka Guddiga Xalinta, taas oo keentay in Beesha Caalamka ay faragelin ku sameeyaan muranka ka taagan kuraasta.

Madaxda Madasha ayaa arintaasi ku dhameeyay si lamid ah sida ay horey u go’aamiyeen Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka, hase yeeshee arrinta ku cusub ayaa ah in Madasha ay sheegtay in xubno gabi ahaanba laga saaray Tartanka Doorashooyinka ee uu ka mid yahay Wasiirka Dhalinyarada Dowladda Federaalka in xuquuq siyaasadeed ay u leeyihiin in markale ay tartami karaan lana dooran karo.

Aqoonyahnada Soomaaliyeed ee ka faalooda siyaasada Dalka ayaa qaarkood qaba in talaabadan ay tahay mid ceeldheer ku sii rideysa rajada ah in waqti dhow ay dhacdo Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya, Aqoonyahan Cumar Nuur Cali ayaa ka hadlaya.

Waxaa Diyaariyay:- Mohamed Abdi Ali

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=50238

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”