Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 921 views

Dakada Hobyo oo Gadiid Iyo Shidaalkii Ugu Badnaa Laga Dajiyay *Daawo*

Magaalada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa muddo dheer ka dib waxaa ka bilowday dhaqdhaqaaq ganacsi, ka dib markii todobaadkan ay Dekadda macmalka ah ee Hobyo ay ku soo xirteen laba doomood oo shixnado kala duwan wada una raran ganacsato Soomaaliyeed.

Doomahan oo wada Raashinka nuucyadiisa kala duwan, Baabuur, qalabka dhismaha iyo agab kale, ayaa ka kala yimid Mambasa iyo Dubai, waxaana maamulka Galmudug uu canshuur la’aan ka dhigay dhammaan waxyaabaha ka dagaya Hobyo si hawlgalinta Dekadda loo dhiiri galiyo.

C/raxmaan  Cadaawe Maalin waxa oo  gudoomiye u  ah gudi 25-xubnood ka kooban  oo bilihii u dambeeyay  ka shaqaynayay hawlgalinta Dekadda Hobyo, ayaa sheegay in hadda hormar wayn laga sameeyay dhinacyada shaqada Dekadda, wadooyinkii la marsiin lahaa badeecooyinka iyo dhismaha Airport-ka Hobyo.

C/fitaax  Xuseen Sheekh oo ka mid ah ganacsatada ay Doomahan u rarnaayeen ayaa sheegay in hada ka dib ay badeecooyinkooda ay ka soo dajin doonaan Hobyo.

Maareeyaha Dekadda Hobyo C/risaaq Maxamed Ducaale iyo Gudoomiyaha Degmada Hobyo ayaa sheegay in fursado badan oo maalgashi ay ka banaanyihiin magaaladan oo hadda isu diyaarinaysa inay noqoto il dhaqaale oo muhiim ah.

Boqolaal xoogsato ah ayaa hadda subax walba u shaqo tagaya Dekadda Macmalka ah ee Hobyo si ay Doomahan u dajiyaan.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=50244

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj