Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 312 views

Beelo ku dagaalamay gobolka Hiiraan oo heshiis rasmi ah la dhex dhigay + Sawirro

Magaalada Balad Weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaa maanta ka dhacay heshiis rasmi ah oo ay gaareen laba beel oo ay dhex mareen dagaallo soo noqnoqday, waxaana kulan ay yeesheen waxgaradka beelaha dagaalamay, guddiga dhex dhexaadinta labada beelood, waxgaradka reer Hiiraan, maamulka gobolka iyo saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ahaa hoggaamiye dhaqameedka gobolka Hiiraan ayaa halkaasi khudbad xasaasi ah ka jeediyay, isagoona tilmaamay in dagaalada u dhaxeeya labada beelood la siyaasadeynayo.

“Laba kooxood oo ka kala tirsan labada dhinac ayaa ka dambeeya colaada soo laalaabatay shacabkuna ma oga, waayo xiriir baa ka dhaxeeya magaalada ayayna wada joogaan” ayuu yiri Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Ugaas Xasan ayaa ugu baaqay labada beel ee heshiiska gaaray inay ka shaqeeyaan nabadda gobolka Hiiraan isla markaana tixgeliyaan qodobadii ay wada saxiixdeen, taasi oo uu sheegay inay asaas u tahay nabad ka dhacda beelaha dagaalamay.

Dhinaca kale waxaa kulankaan ka hadlay saraakiil ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo ka socda dalalka Jabuuti iyo Itoobiya, waxayna ku booriyeen waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka labada beel in laga wada shaqeeyo nabadgelyada, iyagoona sheegay in dhinacii jebiya heshiiska ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Ma aha markii ugu horeysay oo labadaan beel dagaal ku dhex maro gobolka Hiiraan isla markaana heshiis la dhex dhigo, iyadoo kulankii maanta uu ahaa mid ay dardaaran culus ka jeediyeen maamulka gobolka Hiiraan, ciidamada AMISOM iyo guddiga dhexdhexaadinta.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=50281

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”