Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 947 views

Ra’yi: Shariif Sikiin oo Jambal u tuuray Jaalle Dhegajuun

Soomaalidu waxeey ku maahmaahdaa Doqoni Dibir kama dheregto, Sheekooyinka Caamada waxaa lagu sheegaa Xataa haddii la aaso Doqontu ma samarto ee iilkeey madaxa ku garaacdaa.

Taa waxaa la mid ah Beenaale sare Jaalle Dhegajuun Wajikaaki oo aan marnaba ka daalin kana xishoon Jabka, Guuldarrada iyo Fashilaada joogtada ah ee had iyo jeer la soo derista, taas oo Markhaati buuda ka noqonaysa in uu yahay shaqsi aanba loogu tala gelin in uu wax hogaamiyo.

Haddaba Ninkii noocaas ahaa ayaa waxaa soo baxaya Warar Sheegaya in uu u hanqal taagayo Qabashada Xilalka ugu sareeya Dalka, iyada oo la wada ogsoon yahay in uu yahay Ninka ugu ayaanka daran Soomaaliya horayna ugu soo fashilmay Xilalkii Qaranka ee horay loogu dhiibay.

Dhawaan ayey aheyd markii Beel weynta Habargidir aay shariif Sikiin ka codsadeen in uu Taageero mid ka mid ah Musharixiinta Habargidir, maadaama la rumeysan yahay in shariifku heysto Kalsoonida guud ahaan Xildhibaanada Digil iyo Mirifle.

Farsama yaqaan sare Musharax Madaxweyne Shariif Sikiin oo ka jawaabaya Codsiga Beesha Habargidir ayaa Baas u taraarixiyey Jaalle Dhegajuun, ka dib markii uu ka dhawaajiyey in Shaqsiga kaliyah ee uu ka aaamino Beesha Habargidir uu yahay Jaalle Dhegajuun Sidaas daraadeedna haddii aay beeshu taageerto Dhegajuun uu isna garab siinayo, isaga oo ujeedkiisu yahay kala fogeynta Dhegajuun iyo Xasan Gurguurte oo Saaxiib ah kana wada tirsan Xisbiga Dullijadiid.

Dhegajuun oo Cadaada jooga isla markaana la daalaa dhacayey Culeys kaga imaanayey Xildhibaanada Galmudug oo ku cadaadinayey in uu Xilka isaga dego inta aan Cod aqlabiyad ah looga tuurin, ayaa run u qaatay Jambalka Shariif Sikiin , wuxuuna hadda yahay Boorsada Musharax Madaxweyne Shariif Sikiin, iyadoo sidoo kalena la sugayo in uu dhawaan ku dhawaaqo in uu iska casilo Xilkii Madaxweynaha Galmudug.

Shariif Sikiin oo Dagaal Siyaasadeed kala dhexeeyo Xasan Gurguurte ayaa Dhegta wuxuu Jaalle Dhegajuun ugu sheegay in haddii uu Madaxweyne noqdo ka dhegayo Ra´iisulwasaare, taas oo uu dhegajuuna run mooday illeyn waa Weji kaakigaase.

Dagaalka Siyaasadeed ee u dhexeeya Farsama yaqaan sare Shariif Sikiin iyo Xasan Gurguurte ayaa wuxuu gaaray in shariif Sikiin soo maalgeliyo Laba Musharax Goddoomiye Baarlamaan oo ka soo kala jeeda Beelaha Daarood iyo Hawiye si Beesha Digil iyo Mirifle ee uu hoggaanka u hayo u qabato Hoggaanka Dalka ,Daaqadana uga baxaan Labada Musharax ee kala ah Xasan Gurguurte iyo Cumar Cabdirashiid, halka Xasan Gurguurtana uu u sacyinayo in Cabdirashiid Xiddig oo Beesha Daarood ka soo jeeda iyo Jawaari oo Digil iyo Mirifle ah aay isu sharaxaan Guddoonka Baarlamaanka, isaga oo Aaminsan in uusan jirin Musharax Hawiye ah oo la tartami kara.

Soomaalidu waxeey ku Maahmaahdaa lahel lahel lawaa ayaa ku xigta Caadana uma aheyn Soomalida in Nin Madax ka noqday Mar kale la soo doorto sidaas daraadeedna la saadaalinayo in uusan Gurguurte soo Laaban doonin, sidoo kalena Maahmaah kale ayaa oraneysa Miro Gunti ku jira kuwa Geed ku yaal looma daadsho, waddadaas waxaa ku socda Shariif Sikiin oo laga yaabo in uu waayo Ra´iisul Baarlamaanka Beeshiisa loo oggol yahay Sidoo kalena waayo Madaxweynenimada uu Dadaalka ugu jiro Sababa la xiriira Shaqsiyaddiisa .

Bal aan wada sugno Ciribta iyo meesha aay ku dambeeyaan Shariif Sikiin Jaalle Dhegajuun Wajikaaki.

Abdi Ali
CiiltireNews Muqdisho
Somalia

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=50292

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”