Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 432 views

C/raxmaan Xoosh Jabriil: “Madaxda madasha way macno beeleen, waxayna ku tumanayaan dastuurkii lagu heshiiyay” (Dhageyso)

Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo ka mid ahaa asaasayaashii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee xilligeedu dhammaaday, isla markaana ka soo noqday Wasiirka Dastuurka ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, wuxuuna tilmaamay arrimo dhowr ah oo uu sheegay inay dhaawacayaan howlihii la soo qabtay.

Ruug cadaagaan oo wareysi siiyay mid ka mid ah warbaahinta gudaha dalka ayaa sheegay in madaxda dalka ee wakhtigoodu dhammaaday sida Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ansixinayaan go’aano hareer marsan dastuurka dalka.

“Madaxda madasha way macno beeleen, waxayna ku tumanayaan dastuurkii lagu heshiiyay” ayuu yiri C/raxmaan Xoosh Jabriil oo sheegay in dastuurka dalka ee lagu heshiiyay uu dhigayo 54-xubnood oo aqalka sare ah, hase yeeshee madaxda madasha ay haatan ku kordhiyeen xubno dheeraad ah.

Waxa uu sheegay in haddiiba xubnaha dheeraadka lagu qancinayo beelaha si kale loo dhigi karay iyadoo aan kororsiimo la sameynin, waayo buu yiri haatan tallaabooyinka iyo go’aanada is burinaya ee ay ku dhaqaaqayaan madaxda madasha ma aha mid keenaya xal horseedaya dhismaha dowladnimo Soomaaliyeed, inay xaaladda sii cakirnaato mooyee.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=50298

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj