Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 399 views

Gabdhaha K/Koleyga gobolka Banaadir oo ku guuleystay tartanka maamul goboleedyada dalka ee ka dhacay Garowe

Gabdhaha gobolka Banaadir, ayaa ku guulaystay Koobka Kubadda Kolayga gabdhaha Soomaaliyeed ee ka soconayay magaalada Garoowe ee Puntland.

Koobka Kubadda kolayga ee gabdhaha ayaa 5-tii cisho ee ugu dambaysay ka soconayay Garoowe, waxaana isku arkay kooxo ka kala socday maamul gobaleedyada iyo kuwa ka socdey gobolka Banaadir.

Ciyaarahan oo ay u soo daawasho tegi jireen galab kasta dadweyne aad u xiisaynaya cayaaraha, ayaa la qabtay markii ugu horaysay 26 sanno kaddib markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-dii.

Kulamadan oo ahaa mid lagu soo celinayo ciyaaraha Kubadda Kolayga gabdhaha iyo sidii loo heli laha loogana dhex xulan laha gabdho Qaranka Soomaliya matala.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=50301

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj