Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 462 views

Cayaaraha HIRDA Amsterdam 2016 oo lasoo gabagabeeyay(SAWIRRO)

Waxaa Magaalada Amsterdam ee wadanka Netherlands lagu soo gaba-gabeeyay Cayaaraha Futsalka ee HIRDA AFT 2016, kaasi oo sanadkiiba mar lagu qabto wadanka Holland, cayaarahaan oo bilawday 23 December, ayaa waxaa lasoo gaba-gabeeyay 24-December, iyadoona ay ka qeyb qaadanayeen 24 kooxood oo ka kala socday wadamada, Britian, Finland, Sweden, Germany, Norway, Beljium iyo Wadanka Netherlands.

Sidoo kale Cayaarahaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay marti sharaf, ay ka mid ahaayeen Danjiraha Dowlada Federalka Soomaaliya u fadhiya Wadamada Benelux iyo xarunta EU-da, Dr. Ali Said Faqi, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladii TFG-da, ahaana xildhibaan ka tirsan DFS, Maxamed Cabdi Yuusf, Agaasimaha Guud ee Hey’adda HIRDA Fatumo Farax, Cayaartoy hore, fanaaniin, iyo dadweyne kale oo aad u fara badan.

Cayaarahaan oo ahaa mid aad u xiiso badnaa ayaa waxaa maalintii ugu horeysay wareega 1-aad kasoo gudbay illaa iyo 12 kooxood oo ka kala socday wadamada, Norway, Netherlands, Germany, UK, Beljium iyo Finland. Waxaana xusid mudan in sanadkaan 4 kooxeed ee seminifalka u soo baxeen ay ka kale yimaadeen wadamada Britain, Belgium, Germany & Norway, kuwaasi oo ku wada guuleystey macalinkii ugu wanaagsanaa, ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa, goal-hayihii ugu wanaagsanaa iyo goal- dhaliyihii ugu goalasha badnaa.

Waxaa xusid mudan in kooxihii Holland sanadkan aaney u soo bixin afartii ugu damayey, taas oo kedis ku noqotay taagerayaal farabadan, waxaana ay marag katahay in heer farsamo iyo xirfad sareysa ay la soo shir yimaadeen cayaarahanada ka yimid wadamada ka baxsan Holland.

Kulankii ugu danbeeyay uguna xiisaha badnaa ayaa waxaa fooda isku daray kooxda Leuven ee ka socotay wadanka Beljium iyo kooxda Waaberi Star oo ka socotay wadanka Britian, waxaana guusha ay raacday kooxda Waaberi Star oo ka socotay wadanka Britian.

Danjire Ali Said Faqi ayaa koobkii kaalinta labaad guddoonsiiyay kooxda Luven ee wadanka Beljium, halka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Yuusuf uu koobkii sanadka HIRDA AFT 2016 guddoonsiiyay kooxda Waaberi Star ee ka socotay dalka Britian.

Tartankan oo ku bilawday kuna dhamaaday heer aad u sareya waxaa xusid mudan akhlaaq wanaaga iyo ismaqal in ay muujiyeen dhamaan kooxihii kasoo qeyb galay, taasi oo tartanka ka dhigtay mid kusoo idlaaday sidii loogu tala-galay.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=50311

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”