Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 512 views

Labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo doortay guddoon KMG ah (Wakhriso)

Xarunta Booliska Jan. Kaahiye waxaa goor dhow lagu soo gabagabeeyay kulankii ugu horeeyay ee ay yeeshaan xildhibaanada Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya, iyagoona ay ka qeyb galeen inta badan Mudanayaasha labada aqal ee uu ka kooban yahay.

Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka mid ahaa mudanayaasha ka soo jeeda beelaha Waqooyi ayaa ku guuleystay inuu noqdo guddoonka KMG ah ee hoggaaminaya xildhibaanada labada aqal.

Sidoo kale guddoomiyaha aqalka hoose loogu doortay Md. Maxamed Xuseen Raage oo ka mid ahaa xildhibaanada maamulka Hirshabelle, waxaana kulankii ugu horeeyay ee Baarlamaanka aan ka soo qeyb gelin Madaxweynaha Dowladda Federaalka xilligeedu dhammaaday oo isagu ka mid ah musharaxiinta xilka Madaxweynaha.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka xilligiisu dhammaaday Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ka mid xildhibaanada ka soo galay magaalada Baydhaba ayaa halkaasi khudbad ka jeediyay, isagoona ka dalbaday mudanayaasha Baarlamaanka cusub inay is cafiyaan isla markaana waajibaadka loo doortay u gutaan si daacadnimo iyo wadaninimo ku jirto.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa dhaariyay xildhibaanada abada aqal ee Baarlamaanka cusub, iyadoo qaab socodka kulanka maanta si toos ah u werinayeen warbaahinta dalka iyo kuwa dibadda.

Dhinaca kale dhismaha Baarlamaanka cusub oo ka kooban aqalka sare iyo kan hoose ayaa noqonaya markii ugu horeysay oo Soomaaliya lagu maamulo, inkasta oo ay jiraan dhaliilo loo jeedinayo qaabka lagu soo doortay qaar ka mid ah xildhibaanada.

Jabriil M.Nuur (Jabra)
jabra@somaliweyn.com
Muqdisho – Soomaaliya

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=50322

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj