Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 1,588 views

Dalka Kuweyd oo lagu xukumay haweeney Filipiin u dhalatay oo dhaxda nin Soomaali ah (Faahfaahdin)

Maxkamad ku taala dalka Kuweyd ayaa xukun ku riday haweeney lagu magacaabo Livani Azvilo Pescaeda oo u dhalatay dalka Filipiin, sida uu qoray Wargeyska Al-ra’yi ee dalkaasi ka soo baxa.

Haweeneydaan oo muddo laba bil kahor ka tagtay dalka Sacuudiga ayaa u sheegtay baarayaal ka tirsan Dowladda Kuweyd inay u dhaxdo nin Soomaali ah oo haatan ku sugan dalka Liibiya, kaasi oo aan magaciisa la shaacin.

Charles Jose oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Dowladda Filipiin ayaa sheegay in maxkamadda dalka Kuweyd ay haweeneyda ku xukuntay xabsi dhan muddo toban sano ah, kaddib markii ay qiratay inay ka tirsan tahay kooxda Daacish.

Warbaahinta Kuweyd ayaa waxay kaloo sheegtay in baarayaal ka tirsan Dowladda ay haweeneyda ka soo xigteen inay damacsaneyd weeraro ay dalkaasi ka maleegeysay.

Dowladda dalka Filipiin ayaa sheegtay in safaaradda ay ku leedahay Kuweyd ay ka bilowday dadaallo ay ku dooneyso in haweeneydaasi aan lagu sameynin wax xadgudub ah.

Haweeneyda u dhalatay dalka Filipiin ayaa waxay kaloo sheegtay in ninkeeda Soomaaliga ah uu ka tirsan yahay kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalka Liibiya kaasi oo ku amray xaaskiisa inay tagto dalka Kuweyd.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=50325

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”