Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 2,351 views

Maxaa sababay in Madaxweyne Xasan iyo wakiilka QM Soomaaliya ka soo qeyb geli waayaan kulanka Baarlamaanka cusub?

Waxaa soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan furitaanka kalfadhiga koowaad ee Xildhibaanada Baarlamaanka 10-aad, kaasi oo lagu doortay labada Mudane ee ugu da’da weyn iyadoo ay soo baxayaan walaaca ka dhashay ka qeyb gal la’aanta Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, Wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Michael Keating iyo diplomaasiyiinta dalalka caalamka.

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay xarunta madaxtooyada Villa Somalia Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa munaasabadda furitaanka kal fadhiga koowaad ee Baarlamaanka uga baaqday arrimo siyaasadeed, kaddib markii culeysyo kala duwan uga yimaadeen guddiyada doorashooyinka iyo beesha caalamka.

Ergeyga QM ee Soomaaliya Michael Keating oo isagu horseed ka ahaa abaabulka iyo isku duba ridka hannaanka doorashooyinka dadban ee Soomaaliya, isla markaana door lixaad leh ka qaatay sidii looga mira dhalin lahaa arrimahaasi ayaa isna la sheegayaa in ka baaqashadiisa kulanka Baarlamaanka ay sabab u yihiin arrimo dhowr ah.

Warar aanu ka helnay xafiiska UNSOM ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in beesha caalamka aanay weli ku qanacsaneyn qabashada kulanka Baarlamaanka oo aan horay loo shaacin, taasi oo shaki weyn ku abuurtay iyagoo horay u dhaliilay go’aanadii ka soo baxay hoggaamiyeyaasha madasha Qaranka.

Arrimaha beesha caalamka ay sida weyn u dhaliileen waxaa ka mid ahaa xubnaha aqalka sare loogu kordhiyay maamul goboleedyada dalka, taasi oo ay sheegeen inay hareer martay dastuurka dalka u yaala oo sheegaya in 54-xubnood uu ka koobnaado aqalka sare.

Sidoo kale bayaankii ugu dambeeyay ee ka soo baxay beesha caalamka ayaa tilmaamay in hoggaamiyeyaasha madasha qaranka ay dhiirigeliyeen musuqmaasuqa doorashooyinka ka dhacay gobolada, bacdamaa ay jiraan xildhibaano istimaalay awood kuwaasi oo iyagu boobay kuraas ay lahaayeen haween.

Arrintu si kastaba ha ahaatee 282-xildhibaan ee ka kooban labada aqal oo maanta lagu dhaariyay magaalada Muqdisho ayaa laga muujiyay walaac xoogan, maadaama qaarkood su’aal la geliyay qaabka ay ku soo baxeen, inksta oo guddiga xalinta khilaafaadka uu sheegay inay shahaadooyin siiyeen 292-Mudane.

Waxaa Diyaariyay:
Tifaftiraha Somaliweyn
Muqdisho – Soomaaliya

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=50330

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”