Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 1,178 views

Fashilkii ugu horeeyay ee qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka cusub oo bannaanka u soo baxay

Kulankii ugu horeeyay ee xildhibaanada Baarlamaanka cusub ayaa waxaa soo baxay durba fashil la soo gudboonaaday qaar ka mid ah mudanayaasha cusub ee la dhaariyay kuwaasi oo la sheegayo in sifo aan sharci ahayn loogu dhaariyay kursaata Baarlamaanka.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka madaxa bannaan Avv. Cumar Cabdulle oo isagu ka mid ahaa madaxda ka qeyb gashay kulankii shalay uu yeeshay Baarlamaanka cusub ayaa sheegay in 11-xildhibaan oo ay horay u laaleen la dhaariyay, taasi oo uu sheegay in guddigooda dhowaan ka soo saarayo war cad.

“Xildhibaanadii guddigu horay u laalay ayaa ka mid noqday Baarlamaanka cusub, go’aan ayaana dhowaan ka soo saareynaa” ayuu yiri Avv. Cumar Dhegey oo la hadlayay BBC laanteeda afka Soomaaliga.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ayaa sheegay inay kaararka aqoonsiga siiyeen 292-Mudane, hase yeeshee xildhibaanada la dhaariyay tiradoodu gaareyso 281-Mudane, inkasta oo Avv. Cumar Dhegey ka gaabsaday in mudanayaasha ay horay u laaleen ay qaateen kaararka aqoonsiga iyo in kale.

Arrintaan ayaa ku soo beegmeysa xilli guddiga doorashooyinka caddeymo dheeraad ah ay ka dooneyso beesha caalamka oo ay horay ugu gudbiyeen 24-Mudane oo lagu soo doortay qaab aan waafaqsaneyn hab-raaca heshiiskii hoggaamiyeyaasha madasha.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=50365

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj