Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 605 views

Haweeney Muslim ah oo loo diiday in ay Ra’isul Wasaare ka noqoto dal Yurub ku yaala

Madaxweynaha dalka Romaaniya Klaus Lohannis ayaa diiday in uu ansixiyo in dalkaasi ay Ra’isul Wasaare ka noqoto Haweeney Muslim ah oo lagu magacaabo Sevil Shhaideh , taa oo noqon laheyd haweeneydii ugu horeesay ee dalkaasi Ra’isul Wasaare ka noqota.

Xisbiga PSD ee ku guuleestay doorashada dalkaasi ayaa soo magacaabay Sevil Shhaideh in ay noqoto Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalka Rpomaaniya, hasa ahaatee Madaxweynaha dalkaasi ayaa qaadacay in uu ansicxiyo in Haweeneydaasi R/Wasaare noqoto.

Madaxweynaha Roomaaniya ayaa sheegay inuu go’aansaday in uu diido in uu gabdhaasi R/Wasaare noqoto, waxa uuna tilmaamay in dhinac walba ka eegay magacaabida Haweenaydan Muslimka ah, balse uu go’aansaday inuu diido in xilkasai qabato

Waxa uu ka codsaday Madaxweynaha Xisbiga doorashada ku guuleestay ay xilkan usoo magacaabaan qof kale, waxaana wali si dhab ah loo ogeyn sabbata haweeneydan Muslimka ah loogu diiday in Ra’isul Wasaare ka noqoto dalka Roomaaniya.

Hogaamiyaha Xisbiga ku guuleestay doorashada dalkaasi ayaan qaban karin xilka Ra’isul Wasaaraha, maadaama horey loo xukumay, waxa uuna xilkan go’aansaday in uu u magacaabo gabadhan Muslimka ah oo horey xilal uga soo qabatay dowlada dalkaasi.

(FILES) In this file photo taken on April 21, 2016 Romanian President Klaus Iohannis attends a joint press conference with the Ukrainian President (unseen) at the the Cotroceni Presidential Palace in Bucharest.
Romania’s president rejected on December 27, 2016 the left-wing Social Democrats’ candidate for prime minister, Sevil Shhaideh, who would have been the EU’s country first female and Muslim premier. / AFP PHOTO / STR

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=50409

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj