Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 488 views

Faarax Macallim: “Soomaaliya doorasho kama dhicin, mana la sugayo inay ka dhacdo mid xalaal ah” + Video

Xildhibaan Faarax Macallin oo ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya ayaa ka hadlay xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan doorashooyinka ka dhacay oo uu si faahfaahsan uga hadlay hannaanka loo maray dhismaha Xukuumad cusub oo badaleysa Dowladda Federaalka xilligeedu dhammaaday.

Waxa uu sheegay in Soomaalida aanay mar kastaba eegin danaha dalka iyo dadka, isla markaana aanay ka faa’iideysaneynin dhibaatadii gaartay mudada ka badan 25-ka sano oo ay ku jirtay dagaallo sokeeye, burbur iyo dhibaatadii laga dhaxlay burburka ku yimid dowladdii dhexe.

“Soomaaliya doorasho kama dhicin, mana laga sugayo inay ka dhacdo mid xalaal ah” ayuu yiri Faarax Macallim oo sheegay in lixda maamul goboleed ee federaaliga ah mid kastaba xuduud la leeyahay dowladda Itoobiya oo ay yihiin maamullo hoos taga.

Faarax Macallin ayaa sheegay in Madaxweyne kasta oo Soomaaliya yeelato ijaaso ka soo qaadanayo Xukuumadda Addis Ababa, taasi oo noqotay mid ay caadeysteen madaxweyneyaashii soo maray dalka Soomaaliya wixii ka dambeeyay dowladii kacaanka 21-ka Oktoobar.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka cusub lagu soo doortay si aan sharci ahayn, isagoona tusaale u soo qaatay xubno ku soo baxay ergooyin been abuur ah oo ay sameysteen, hase yeeshee doorashadii ugu fiicneyd ee Afrika ka dhacday ayuu Xildhibaan Faarax ku tilmaamay midii dhex martay AUN C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Madaxweynihii ugu horeeyay Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=50416

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”