Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 321 views

Ganacsatada Soomaaliyeed oo cabasho xoogan ka soo saaray qaadista canshuuraha iyo halka lagu bixiyo kharajka + Sawirro

Magaalada Muqdisho waxaa kulankii ugu ballaarnaa ku yeesheen madax iyo xubno ka socday 219 shirkadood, iyadoo kulankaasina looga hadlay arrimo dhowr ah iyo dhibaatooyin ay ka tirsanayaan Dowladda Federaalka oo musuqmaasuq u adeegsatay habka qaadista canshuuraha iyo sida loo adeegsado kharajka iyaga laga qaado.

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa qoraal ay soo saareen waxay ku muujiyeen baaq ay u jeedinayaan Dowladda Federaalka hay’adaheeda maaliyadda iyo canshuuraha qaabilsan, iyagoona dalbaday in gebi wax ka bedel lagu sameeyo rugta ganacsiga Soomaaliyeed.

Waxay kaloo ganacsatada dalbadeen i la hagaajiyo habka qaadista canshuuraha oo ay sheegeen in dakhliga ka soo xarooda lagu maal geliyo ganacsato kale, taasi oo ay sheegeen inay tahay mid baal marsan sharciga qaadista canshuuraha dowladdu ka qaado ganacsatada.

“Dakhliga ka soo xarooda Dekedda, garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo goobaha kale ee ganacsiga kuna xarooda qasnadda Dowladda waa kan ugu muhiimsan oo Dowladda Soomaaliya si dhab ah ugu tiirsan tahay” ayaa lagu yiri qoraalkaasi.

Qoraalka ka soo baxay kulanka ganacsatada Soomaaliyeed ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho oo aad u dheeraa ayaa lagu xusay in sharciga aanu marnaba ogolaaneynin dakhliga maaliyadeed ee qasnadda Dowladda la siiyo shaqsi, shirkad, rugta ganacsiga iwm.

Qoraalka ka soo baxay ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ku soo beegmaya xilli dalka uu ku jiro kala guur siyaasadeed, isla markaana dhowaan bankiga dhexe ee Soomaaliya laga xaday lacag ka badan Nus Milyan Dollar, taasi oo weli baaritaankeeda ay wadaan hay’adaha nabadgelyada.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=50438

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj