Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 307 views

Cudur shuban biyoodka oo faro ba’an ku haya gobolka Sh/dhexe iyo digniin la soo saaray + Video

Degaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa ka dillaacay cudurka shuban biyoodka, iyadoo tirada dadka u geeriyooday iyo kuwa uu soo ridanayo ay iminka sare u kaceyso.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan oo maanta booqasho degdeg ah ku tegay degmada Mahadaay ayaa waxa uu geeyay shixnado dawo iyo qalab caafimaad isugu jir.

Guddoomiyaha degmada Mahadaay Axmed Xuseen Afrax ayaa ka warbixiyay xaaladda degmadaasi iyo tuulooyinka hoos yimaada oo uu sheegay in ku dhowaad 50-ruux ay ugu geeriyoodeen cudurka shuban biyoodka.

“Biyaha webiga oo gabaabsi ah waxaan ka cabsi qabnaa inay sii kordhayaan dadka uu soo ridanayo cudurka shuban biyoodka” ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Mahadaay oo ku baaqay in gurmad caafimaad oo degdeg ah laga gaaro.

Dhinaca kale Axmed Meyre Makaraan Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe oo isna ka hadlayay gudaha isbitaalka Degmada Mahadaay ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay gaarsiiyeen xoogaa shixnado dawo ah oo uu sheegay inaysan dabooli karin baahida caafimaad ee degmada ka jirta.

“Waxaan ugu baaqayaa dadka ku shaqada leh caafimaadka ee degan gobolka inay caawiyaan dadka cudurka shuban biyoodka ku dhacay” ayuu yiri Axmed Meyre Makaraan oo sidoo kale ugu baaqay Dowladda Federaalka iyo hay’adaha gargaarka inay ka qeyb qaataan dadaalada lagu samatabixinayo dadka la il daran cudurka shuban biyoodka.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=50454

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj