Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 347 views

Qaar ka mid ah gaadiidka oo laga mamnuucay dekedda Kismaayo

Maamulka Jubaland ayaa markii ugu horeysay soo saaray awaamiir ku saabsan gaadiidka ka howlgala magaalada Kismaayo, iyadoo sidoo kale gaadiidka qaarkood laga mamnuucay gebi ahaanba inay tagaan amaba ka ag dhowaadaan goobaha muhiimka ah sida dekedda, xarunta maamulka iyo saldhigyada ciidamada.

Wasaaradda Gaadiidka maamul goboleedka Jubaland ayaa amar ku bixisay in gaadiidka ka howlgala magaalada Kismaayo ay qaataan Taargo laga bilaabo 29-ka Disembar 2016-ka ilaa iyo 31-Janaayo 2017-ka.

Agaasimaha Wasaaradda Gaadiidka maamulka Jubaland Yuusuf Maxamed Cali ayaa warbaahinta u sheegay in gaadiidkii fulin waaya amarkaasi uu muteysanayo ganaax lacageed oo aad u balaaran.

Dhinaca kale magaalada Kismaayo waxaa maanta kulan ku yeeshay Wasaaradda Maaliyadda iyo hay’adaha ammaanka maamulka Jubaland, kuwaasi oo iyana amar ku bixiyay in gaadiidka muraayadaha madow laga mamnuucay inay gudaha u galaan Dekedda Kismaayo.

Kulanka ayaa laga soo saaray amarro la xariira dhinaca nabadgelyada, iyadoona si gaar ah gaadiidka kala duwan, gaar ahaan kuwa raaxada iyo midka dheereeya lagu amray inay fiiqaan bacda madow ee muraayadaha lagu dhejiyo oo ay madaxdu sheegeen inay gacan ka geysaneyso falalka amni darrada.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=50464

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj