Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 270 views

Daawooyin ay leedahay Hay’adda World Vision oo la baarayo

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Gedo waxaa baaritaan dheeraad ah lagu hayaa Daawooyin ay leedahay Hay’adda World Vision, oo 28-kii Bishan lagu qabtay Degmada Luuq.

Cismaan Nuux Xaaji Gudoomiye Ku Xigeenka Maamulka Gobolka Gedo, ayaa sheegay in gaari siday daawooyinkan uu ka soo amba baxay Degmada Doolow, uuna ku sii jeeday Gobolka Baay.

Waxa uu tilmaamay Gaariga in si nabdoon uu ku soo dhexmaray dhulka u dhaxeeya Degmooyinka Doolow iyo Luuq oo ay ku sugan yihiin Shabaab, shakigana uu halkaasi ka abuurmay.

Cismaan Nuux, ayaa wuxuu intaa ku daray in daawooyinkan ay u maleynayaan in loo waday Shabaabka Gobolka Baay, balse sida uu sheegay ay baaritaano ku wadaan.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=50469

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj