Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 277 views

Xaflad dalacsiin ah oo loo qabtay macalimiinta Jaamacadda Muqdisho + Sawirro

Munaasabad aad u heer saraysa oo si wayn loo agaasimay oo loogu maamuusayay 9 sagaal macilin oo u dalacay darajooyinka sare ee PhD-da. 3 sadex ka mid ah macalimiintaas waxay ka dalaceen ASSOCIATE PROFESSOR waxana u dalaceen darajada PROFESSOR halka 6 lixda macalin ee kalena ay ka dalaceen darajada cilmiyeed ee ASSISTANT PROFESSOR una dalaceen darajada ASSOCIATE PROFESSOR.

Xafladda waxaa ka soo qayb galay Gudoomiyihii hore ee Jaamacadda Muqdisho Professor Cali Sheekh Axmed iyo Professor Cabdi Ismaciil Samatar oo labaduba ka tirsan Board-ka Jaamacadda (BOAD OF TRUSTEE) hormoodyada kuliyadaha jaamacadda maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda, aqoon yahano badan oo cilmibaarayaal soomaaliyeed ah iyo marti sharaf kala duwan.

Manaasabaddan oo lagu daah furay qur’aanka kariimka ayaa waxaa kalimad soo dhawayn ah ka soo jeediyay Ustaad Cali dahair Mohamed Gudoomiye ku xigeenka arimaha akaadamiga ee Jaamacadda Muqdisho wuxuuna si wayn faahfaahiyay shuruudaha dalacaaddda cilmiyeed ee ay Macaliminnta dalacday ay buuxiyeen; isaga oo goobta ka aqriyay magayada macalimiinta, darajada ay horay u haysteen iyo midda ay hadda u dalaceen cilmi baaristii, ay sameeyeen iyo mudadii ay jaamacadda wax ka dhigayeen.

Professor Dr, Maxamed Xusseen ciise oo ku hadlayay magaca macaliminnta munaasabadda lagu maamuusayay ayaa si aad ah ugu macadceliyay Boardka Jamacadda Muqdisho iyo kuliyadaha ay ka kala socdaan macalimiinta dalacday iyo dhamaan ka soo qaybgalayaasha isaga sheegay in shuruudaha dalacsiinta cilmiyeed ay aad u adagtahay waqti dheerna ay u soo halgamayeen darajada maanta ay gaareen kuna balan qaaday in aya sii wadayaan cimibaarista la xiriirta horumarka dalkeena iyo dadkeenna wuxuuna Allah ka baryay in cilimigooda mid Naafac ah ka dhigo.

Professor Cabdi Ismaciil Samatar ayaa aad ugu adkeeyay agoonyahanada soomaliyeed in ay cilmibaaris dhab ah sameeyaan dadaal koodana ay isku daraan, isaga oo sheegay in cilmibaaristu ayna sahalanayn waana waxa ay dawladaha aduunyadu isku dhaafeen.

Professor Dr. Cali sheikh Axmed oo ah gudoomiyihii hore ee jaamacadda Muqdisho ayaa u hanbalyeeyay macalimiinta dalacday oo uu aad ugu amaanay dadaalkoodii cilmibaarista iyo waxbaridda iyo barbaarinta ardayda heerka jaamacadeed iyo kuwa mastarka diyaarinaya. professor Dr. cali wuxuu ku dheeraaday standaradda caalamiga ah ee tacliinta iyo sida ay jaamacadda Muqdisho uga taagantahay illaalinta tayada tacliinta una diyaariso ummadda soomaaliyeed iyo dunidaba aqoonyahano dhab ah. laqabyada iyo darajooyinkuna waa kuwo lagaaro ee maaha kuwo la sheegto.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=50615

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”